Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Nin Tuug Ah Oo Guri Uu Jabsaday Kaga Dhex Tagay Garan Uu Ku Sawiranyahay

Monday - April 4, 2011

USA-North Carolina: Nin tuug ah oo u dhashay gobolka North Carolina ee dalka Maraykanka ayaa guri uu jabsaday kaga dhex tagay Garan uu xagga hore kaga sawiran yahay sawirkiisa, isla markaana uu ku qoran yahay hal-ku-dheg ah "Samaynta lacagtu waa Mawhibadayda".

Danbi-baaraha baaritaanka ku samaynaayey gurigaas ayaa sheegay in tuuga kaga tagay aqalka Garanka uu ku sawiran-yahay oo ku shaabadeysan hal-ku-dhegaas, waxaanu sheegay dambi-baaruhu inay arrintani tahay khaladka kaliya ee uu ku nacasoobay tuugaas.

Booliska ayaa yiri sawirka Garanka ku masawiran waxaa u eekaa mid ka mid ah laba tuug oo subaxnimadii Talaadada  jabsaday guri ku yaala North Carlina, gaar ahaan xaafadda Plaza Midwood, labadaas tuug oo khasab ku galay guriga, iyadoo ay ku sugan yihiin lamaanihii lahaa guriga, waxaanay gurigaas ka xadeen dahab iyo shandad kuwa jeebka lagu qaato ah oo lacag aan xaddigeeda la garanayni ku jirto, waxaana la rumaysan yahay in kuwa garanka goobta aqalka uga tagay ay ahaayeen labada nin ee dhacaas gaystay.