Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Raxmadi Nimcada Roobka Oo Ka Curatay Meelo Ka Mida Gobolada Somaaliya

Friday - April 1, 2011

Curashada Raxmada roobka ayaa  la sheegay inay ka hoortay degmooyinka gobolada dhexe ee Soomaaliya,halkaasoo roobab lagu diirsaday ka da'een.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degaamadaas,ayaa inta badan degmooyinka u ka koobanyahay goblka Galgaduud ayaa roobabku ka da'een. Iydoo ay meelahaasi  ka mid ahaayeen dhulalka abaartu sida adag  uga jirto.

Sidoo kale meelo ka mida Gobolka Mudug ayaa ciirku daruursamay, halka gobolka Togdheer iyaduna cirka la sheegay inu ahaa mid daruuraysan oo ka duwaan sidi maalmihii hore u ahaa .. shacuubta mandiqooyinkaas ee abaartu saameysay ayaa ku abuurantay yadiidilo wanaagsan oo Raxmada ilaahay sugaya.

Dhulka soomalida  degto oo dhan ayaa  waxa ku habsatay abaar ba'an oo saameysay dadkii iyo duunyadaiiba,waxaana aad u sii daran oo dhibaatada abaartu tahay biyo la'aan ka jirta dhulka oo dhan, waxaana meel kasta ka socda biyo dhaamis aad weyn.