Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Faraci Odagi Dhulbahante Waxay Aamusaanba Maanta Wey Cadeysteen Ineysan Ahayn Laan- Gaabka Xune

Friday - April 1, 2011

Warar Xaqiiqo ah oo qoralo cad laga hayo ayaa daboolka ka qaaday in bishaan 29-keedi caasimada Garowe u ka dhacay shir sadex geesood ah oo ay ku kulmeen safiirka dawlada Ingiriiska u qaabilsan arimaha Somaalida Mr Matt Baugh iyo madaxa Puntland State Mr. Cabdiramaan Maxamed Faroole oo weheliyo ku xigeenkiisa jeneral Cabdisamad Cali Shire iyo Salaadiinta Beesha Dhulbahante.

Shirkaas madashiisa ayaa lagu soo qadimay warqad ay ku saxiixanyihiin Garaadada iyo salaadiinta ka soo jeeda faracyada beesha Dhulbahante kuwaaso ay ku qornaayeen qodobo ku cadeysan in degaanka beesha dhulbahante ay ka tirsan yihiin Maamulka Puntland, iyadoo shirka bisha August sanadkaan ka dhici-doona magaalada Nairobi ee lagu soo dhisi-doono dawlad fedaraal ah uga wakiil noqon-doono Mudane Cabdiraxmaan Faroole.

Kulamadaas oo ahaa mid qaatay saacdo badan oo dood xiiso leh ku dhex martay jamaamirtaa madasha isugu yimi ayaa isla markaa odayaasha dhulbahante declaration-koodi ku si cadeeyeen in dawlada ingiriiska u meel deydo mucaawinooyinka ay siiso Somaliland ee loo isticmaalo barakicinta iyo xasuuqida dadka ku dhaqan goboladaasi, waxay sido kale halkaas odayaashu ashtako ku codsadeen qoraalkoodana ka mid ahaa in ciidamada Somaaliland administration ka baxdo cariga degaamada Dhulbahante .. Shirkaas gabagabadiisa waxaa la isla qaatay Qodobada guud ay soo gudbiyeen salaadiinta Dhulbahante oo ay ka mid ahaayeen in Somaaliya la isla raadsho, isla markaana mushkiladu meesha ay ka soo burqaneyso la helo iyo in la helo talada ugu dhow ee wax lagaga qabankaro dhibaatooyinka jira.

ugu dambeysti sida wararku nagu soo gaarayo waxaa shirkaas safiirka Mr.Matt Baugh uga cadaatay arimo badan oo ka qarsoonaa oo horay aan la garan cida dawlada ingiriiska sheekooyinka geyigaan iyo waxa ka socda ku marinhabaabiyey, waxaana la sheegay in safiirku ka cududaartay qaladaadka aan ujeedada la hayen ee dhacay isagoo rajo ka muujiyey inaan loo noqon-doonin go'aan aan xaqiiqadiisa la hubsan.