Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Azharka Masar Oo Loo Aqoonsan-doono Dawlad Madax Banaan Sida " Vatican Rome"

Monday - March 28, 2011

Qorsho baaraandeg ayaa jira ay waayahaan daadihinayaan culimada waaweyn ee Azharka oo ay ku cadaadinayaan xukumada Masar in la siiyo Azharka maqaam dawladeed ka madax banaan Maamulka iyo Siyaasada Masar una dhiganta sida dawlada " Vatican Rome"

Digtoor Maxamed Xuseen Cuweyda oo xariif ku ah aqoonta gar-shareeco ahna ku xigeenka madax jaamacda Azhar ayaa daboolka ka qaaday in nidaamkii loogu tala galay Azharka u xiliyadaan dambe ku haftay faragalin uga timi xukumadihi dalkan iska badalay, taaso keentay in cishaba shiikh Mufti ah aan la dooran lagu maqaar-saaro hogaanka Azharka, waxayna arintaas dhaxalsiisay in haybadi sumcada iyo ujeedooyinkii dhabta ee lagu aasaasay Azharka fasahaad ku dhaco amase hadba doc isku qaado, sidaa darteed daraasad iyo talabixin ay so jeediyeen culimada baxaarida Azharka Masar ayaa la filaya in la meel-mariyo dhismaha dawlad gaar u ah Azharka oo ka madax banaan hogaanka xukuumada Masar balse dawladaha islaamka ay u noqoto marjac, isla markaana u madax banaanaato fidiinta diinta islaamka saxiixa ee ku saleysan seef la bood la'aanta.

Digtoor Maxamed ayaa yiri sida qorshaha Azharka loo soo bandhigay waxay dawlada Azharka yeelan-doontaa qawaaniin, sharciyo iyo misaaniyad u gaara oo arimaheeda ku maamulato .. dawlada Azharka la taagi-doono waxay kalo yeelan-doonta gole majlis oo aqoonta diinta wixi alla baray magac dheer ku leh, ka kala socda dawladaha islaamka dunida ka tirsan .. xubnahaas golaha majliska iyaga ayaa si doorasho ah ku xulandoona Ustaadka imaamka Azharka ka madax noqn-doona iyo ku xigeenadiisaba ..kharajka misaaniyada dawlada Azharka waxuu uga imaandoona deeqaha joogtada ay bixin-doonaan dawladaha islaamka .. Digtoor Maxamed ayaa yiri haddi qorshahaas hirgalana waxaa halkaas ku dhamaan-doona in aayaha Azharka ay ciid dambe ka arimiso.