Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Somaaliland Oo Diiday Raiisal Wasaare U Xiran Iyo Hargeyso Noqota Caasimadi Midnimada Somaaliya

Sunday - March 27, 2011

Nairobi-Hargeysa-Adisababa: Warar loo qaateena xog-ogaalna ahi ayaa sheegaya in wakiilo ka tirsan qaramada midoobay iyo qaar ka socda dalalka Carabta iyo Afrika ayaa wada qorshe midnimo mar labaad ku dhex marta Somaaliland iyo Somaaliya.

Qorshahaas oo aan sii buuxda dibada ugu soo shaac bixin ayaa carbaabaya in Somaaliland la siiyo jagada Raiisal Wasaaraha oo weligeed u xirnaata iyo caasimada oo si kumeel gaara noqota Hargeysa iyadoo loo midoobaayo koonfur iyo waqooyi xilalkana si is leeg loo qaybsado, sidaasna Somaaliland kaga qayb gasho dadaalka nabad raadinta qaranimadi Somaaliya isla markaana garwadeena ay ka noqoto midnimo dhex marta labadaas dhinac.

Qorshahaas oo la sheegay inu ahaa isku daygii ugu cuslaa ee wakiilka qaramada midoobay ee Somaaliya hargeysa la tagay ayaa la sheegay inu kala kulmay diidmo adag dhinaca masuuliinta Somaaliland, hasa-ahaate war laga soo xigtay wakiilka qaramada midoobay ayaa laga soo sheegay inu yiri: inkasto gunuunuc goi' waayey iyo indho-adeyg ka jiro dhinaca Hargeysa haddana kama quusan qorshahayga inaan doono midnimada Somaaliya ayuu hadalkiisi ku soo koobay.