Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Tobanka Waxyaalood Oo La Sheego Iney Ku Kala Duwanyihin Korneyl Qadaafi Iyo Sadaam Xuseen

Friday - March 25, 2011

Dad waayo arag ah oo mudo u fiirsaday hab dhaqanka iyo maamuladi labada hogaamiye ee Ex madaxweyne Sadaam Xuseen Iyo hogaamiye korneyl Qadaafi ayaa daraasad ku sameeyey labadaas hogaamiyey dhawrka waxyaabood oo ay ku kala duwan-yihiin, waxayna u sheegeen sidatan:

1- Hantidi shidaalka qaranka ee dalka Ciraaq marku Sadaam Xuseen qarameeyey dakhligi ka soo baxay waxuu si hagar la'aan ah oo gobonimo leh horumar kaga sameeyey xaga tacliinta, mashaariic dhaqaalle, marsooyin iyo meel lagu dalxiiso quruxsan oo la taabankaro,shacabkana noloshiisi si fiican u saameysay .. Hasa ahaate korneyl Qadaafi qarameyntiisi Shidaalki dalka kuma maalgalin dalkiisa oo inta badan mashaaric khiyaali ah ayuu dibadaha dalka ka sameeyey oo nasiib daro wax faaiido aysan ka soo bixin, taaso keentay in shacabka Liibiya ay xag tacliin iyo horumar dhaqaale ka noqdaan kuwa ka qaawan.

2- Sadaam Xuseen marku dalka awoodiisa la wareegay waxuu qaaday talaabo u dalka kaga dhameeyey aqoondarada iyo jahliiga, isagoo la yimi afkaar iyo aaraa ku sal leh daba-qabateynta cilmiga diwaanka taariikhda gabayada iyo danabka suugaanta afka carabiga, waxuuna dalka ka dhisay horseed cilmi sida jaamacado, machadyo, iskuulo, dugsiyo farsamo iyo maareynta guud laga barto oo hormarkooda Yurub iyo Mareykan ka careysiisay .. Balse Liibiya waxaa lagu tilmaama dalalka aqoondarada jahligu haleelay oo boqolkiiba 30% aysan waxna qorin waxna dhigin.

3- Sadaam sharciyo iyo qawaanin buu u dajiyey shacabka Ciraaq oo karaamadiisa lagu dhawraayo, isagoo xaquuqda dumarka ka dhigay mid la siman raga xaga shaqada, waxbarashada iyo hogaamintaba .. Halka Korneyl Qadaafi u dalka qawaaniin uga dhigay buug cagaaran ku magac-doon ah oo ku macneeyey aragtida sadexaad ee dunida, teeda kale Qadaafi dumarka waxuu u arkaa amase qaba iney yihiin Lo'da oo kale oo wax ay ku fiican-yihiin aysan jiri aan ka ahayn dhalmada iyo korinta caruurta oo qura

4- Sadaam Xuseen xaga qadiyada Carabta waa ku qiireysnaa, waxuu aaminsanaa qodobo guud oo ay ka mid yihiin in midnimada carab la isla raadiyo, iyo in la helo talada ugu dhaw ee wax looga qaban karo qadiyada Falastiin, waxuuna lacag magdhaw ah u fidiyey qoys kasta oo ka shahiida falastinyiinta .. Halka Qadaafi uu carabnimadaba ka shakisanaa, waxuuna xoola badan ku baxshay magdhaw u siiyey Yahuudi horay u deganaan jirtay Liibiya baqdin awgeed

5-Sadaam Xuseen marar badan ayuu Sawaariikh iyo Gantaalo ku hurgufay dalka Israail, halka Qadaafi u hagar baxay iiraan isagoo siiyey Sideetanaadkii gantaalo ay ku garaacaan Caasimada Baqdaad.

6- Sadaam Xuseen iyo caruurtiisa ma ahayn pooli quutayaal, dibadana lacag ma ay dhigan .. halka korneyl Qadaafi iyo ubadkiisa ay dibadaha ka sameysteen hanti dhismo iyo malaayiin lacaga oo u bangiyada dibada ku xaseeystay, shacabkana u ku yiri maanka ku haya Miyiga Awrtiinana rarta.

7- Sadaam Xuseen waxuu lahaa caqli iyo garaad dhawrsan, aqoon ku filana waa lahaa, waana hubsan jiray ereyada inteysan afkiisa ka soo baxin .. Halka Qadaafi lagu xantaa nin aan miyir qabin, ilig nacsnimo iyo isagoo dhabar dhabar wax u fahma, iyo hadalo aan laga fiirsan micno lahayn u markasta sii daayo, waxuu hambalyo iyo bogaadin ku helaa cilmi ay soo daabaceen rag kale oo magaciisa lagu xardho.

8- Sadaam Xuseen qalad haddu galo waa ka qoomaameyn jiray, waxuuna dhihi jiray waa qadar dhacay, salaada waa daai'mi jiray, barashada cilmiga diintana waa ku dheeraa .. halka Qadaafi u yahay baqal luqunta taagaya oo aan la garaneyn sidu ugu taxnyahay cibaadada islaamka

9- Sadaam Xuseen halgan u ku miciyo adeegay ayuu dalka ku qabsaday .. Halka Qadaafi isagoo laafyoonaya khiyaamay walaalihi tawrada kacdoonka milatari la sameeyey.

10-Sadaam Xuseen ciidamadiisa dalka ayaa gaar ka hayn jiray .. halka Korneyl Qadaafi ay ilaaliyaan sanka-dhuudhiyaal calooshood-shaqeysato laga soo aruuriyey inta badan dalka Afrika .