Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Safiirkii Hore Ee Ruushka U Fadhiyey Dalka Liibiya Oo Ka Digay Libiya Iney Noqoto Sidi Somaaliya

Friday - March 25, 2011

Tripoli: Safiirkii hore ee Ruushka u fadhiyay dalka Liibiya, Vladimir Chamov ayaa ka digay hawlgalka Milateri ee Maraykanka iyo Reer Yurub sida wada jirka ah ugu qaadeen dalka Liibiya ay noqonkarto mid daba dheeraada oo isu bedeli-doona Soomaaliyada labaad ee adduunka.

Vladimir waxa uu hoosta ka xariiqay inuu dagaalkaasi noqon karo mid daba dheeraada oo muddo bilo ah qaadan kara, Waxaan ka cabsi qabaa ayuu yiri in Liibiya isu bedesho Soomaaliya kale, ama Ciraaq.

Wasiirka Arrimaha Debeda Faransiiska ayaa isaguna dhiniciisa ka sheegay in duqaynta Liibiya ee NATO iyo Midowga Yurub qaadan karto muddo laba wiig ah, waxuuna intaa si raaciyey oo yiri Hawlgalka Milateriga caalamiga ee lagaga soo horjeedo hoggaamiyaha dalka Libiya waxa uu ku dhammaan karaa muddo laba wiig ah-laakiin ma qaadan doono bilo.

Wasiir Alain Juppe oo maanta ka hadlay kullan ay yeesheen Midowga Yurub iyo NATO oo lagaga dooday hawlgalka cirka Liibiya, ayaa sheegay inuu filayo duqaynta cirka ee lagu hayo dalka Liibiya iyo dhaqdhaqaaqyada isbedel doon ee dunida carabtu inay noqon doonto mid digniin u ah keli-taliyayaasha kale, oo uu sheegay inay ka mid yihiin Suuriya iyo Sucuudiga.

Wasiirka Arrimaha Debeda Faransiisku waxa uu been ku tilmaamay oraahda ka taagan duullaanka reer Yurub iyo Maraykanku ku qaadeen Liibiya oo lagu sifeeyo danno dhaqaale, gaar ahaan Salliida, waxaannu yiri Dadku had iyo jeer waxay yiraahdaan 'waa duullaan salliid ah, laakiin ma aha wax run ah.
Hawlgalka reer Galbeedku ku duqaynayaan Liibiya oo maalintii shannaad galay, ayaanay weli ku guulaysan inay joojiyaan duqaymaha iyo weerarada taangiyadda ciidammada Qadaafi taabacsani ku hayaan goobaha ay ku sii hareen mucaaridku.

Magaalaada Tripoli ayaa maanta diyaaradaha huwantu la beegsadeen gantaalo dhawr ah oo qaarkood ku dhaceen xarun ay deganyihiin Milateriga Liibiya.