Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Maxaad Ka Taqaana Qadaafi

Thursday - March 24, 2011

"Maxaad ka taqaanaa Caruurta Qadaafi uu dhalay iyo Taariikh nololeedkooda+SAWIRO

24/03/11-Borama-(Bnn) Qadafi wuxuu guursaday labo xaas, Tirada caruurtiisana waa 8 sideed caruur ah,Xaaskiisa koowaad FATHIA KHALED waxay udhashay wiilka koowaad ee curudkiisa ah. 7 todobada caruur ee harayna waxaa u dhashay xaaska kale SAFIA FARKASH, xaaska labaad wiil iyo gabar ayay korsatey (adopted) gabadha waxa ay ku geeriyootay Duqeentii cirka ee Marykanka uu ku qaadey Liibiya 1986 TIRIPOLI
Qadafi waxaa kale uu leeyahay Galyna Kolotnytsk oo ah saxiibadiisa koowaad ahna kalkaalisadiisa caafimaad ee u dhaltay wadanka ukrain. hadana way isaga soo tagtay liibiya.

Waa sidaan caruurta qadaafi Magacyadoooda iyo tariikhdooda oo kooban

Muhammad Al Gaddafi waa wiilkiisa curudka ah wuxuu madax ka yahay Libyan Olympic committee iyo Chairman General Post iyo Telecom Company.

Saif Al Islam:

Saif Al Islam Waa wiilka labaad ee Qadaafi waana aqoonyahay heeysto shaada PhD at LSE, wuxuuna madax ka yahay Gaddafi International Charity and Development Foundation, wuxuuna jeclaa in wadanka liibiya laga dhigo wadan fur furan xaga dhaqaalaha, Arinkaan uu ku fekeray dartiis ayaa waxa ay isku dhaceen aabihiis Qadaafi 2006 ayuu dalka isaga tagay kadib, isaga iyo aabihiis Qadaafi waa la dhexdhexaadiyay dib ayuuna ugu soo laabtay wadanka Liibiya.
Saadi Gaddafi
Saadi Gaddafi: Waa 36 jir wuxuuna madax ka yahay Libyan Football Federation,nolashiisa inta badana waxa uu ku soo qaatay wadanaka German wxuuna soo noqday kabtanka xulka qaranka libiya national team captain , naadiga juventus ayuu ku leeyahay saami aad uweyn.

Mutassim Gaddafi: waa korneel ciidan xooga dalka liibiya (colonel of libiyan army) xili hore waxaa uu isku dayay in uu toogto aabihiis uma aysan suura gelin kadib cudurdaar ayuu siiyay aabihiis, wadanka wuu isaga cararay dib ayuu hadan ugu soo laabatay. waxaana loo magacaabay Lataliyaha xaga amniga Qaranka National Security Advisor

Hannibal Gaddafi:
Wuxuu ku shaqeeyaa magaca General ciidanka badda .wuxuuna madax ka yahay shirkada dhoofiyo shidaalka waana Qabiir xaga shidaalka ah.
2008 ayuu Gabar uu saaxiib lahaa ayuu UUR u yeelay uu ku Garaacay PARIS, arimo la xiririiro garaacista gabadhaan ayaa isagoo dalxiis ku maraayo Swezerland lagu xiray Garoonka diyaradaha ee Geneva , xiligaas iyo wixi ka danbeeyay waxaa xumaaday xirirka liibiya iyi wadanka swedzerland

Saif Al Arab:
Saif Al Arab: wiilashiisa waa kan ugu yar wuxuuna weli wax ku bartaa wadanka germanka magaalada Munich 2008 ayaa policka Germanka ayay ka qaaden ruqsadii iyo gaarigii uu watay sababta loga qaadayna waa Guuxa gaarigiisa Ferrariga oo aad udarnaa .

Khamis Gaddafi:
Khamis Gaddafi: Waa sarkaal boliis ah waxa uuna Tabar Xaga ciidanka ahuu ku soo qaatay wadanka RUUSHKA

Ayesha Al Gaddafi:

Ayesha Al Gaddafi: waa gabadha qadaafi waa gabar sharciyaqaan ah waan 34 jir waxaa guursadey Qadaafi ina adeerkiisa wuxuuna ushaqeen jiray Sadaam hussien Ciidankiisa Gaarka ah, Qaramada midoobay waxay udooteen in ay noqoto invoi cudurka AIDIS iyadoo waxay wayn ka qabtay ololahaas wax looga qabanaayo cudurka AIDISKA

Milad Abuztaia Al Gaddafi: waa wiilka ay soo korsadeena waan ninka Qadaafi Naftiisa ka badabaadiyay duqeentii xaga cirka ee uu mareeykanku ku sameeyay sanadkii 1986

Qadaafi waa nin aad ujecel amaanta , waxa uu aad uxiiseeyaa inuu ku hadlo lahjada Badwiga (reer baadiyaha) Qudbadiisii ugu danbeesay ee uu jeediyay dadka Reer liibiya ee ku dheehneed lahjada badwiga waxaa ugu xusuus mudan isagoo ku cel celiyay YAA AHLA LIIBIYA dadka Reer liibiyow waxaad isku dili doontaan MUDUN ,MUDUN, Magaalo ka magaalo, BEIT,BEIT Guri Guri, Nafar Nafar Yacni qof , ZANGA ZANGA eraygaan waa erey ay aad uisticmaal dadka baadiyaha waana erey muhiim ah in carabta aysan iloobin waana eray loo isticmaalo xoolaha oo ah reerka xoolahooda ku dhegan ama moorada xoolaha ku dhegan in dadka liibiya in ay isku dili doonaan magaalo ka magaalo,guri ka guri, shaqsi ka shaqsi, xero xoolo isku xigto inay isku layn doonaan sidaan waa hadii aysan fahmi isaga , kana digtoonaan qiyaanada GALBEEDKA ee ku dhisan in dalkooda loo soo dhigay."Maxaad ka taqaanaa Caruurta Qadaafi uu dhalay iyo Taariikh nololeedkooda+SAWIRO