Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Barlamaanka Somaaliya Oo Wada Mooshin Ka Dhan Ah Sh.Shariif Xili Ay Mogdisho Ka Dhacayaan Dagaalo

Thursday - March 24, 2011

Muqdisho :Xildibaan ka tirsan baarlamaanka Somaliya ayaa ka digay dhaq-dhaqaaqyo uu sheegay in ay wadaan xildibaano baarlamaanka ka tirsan kuwaasi oo maleegaya qorshayaal xilka looga xayuubinayo madaxweynaha Soomaaliya .

Xildibaan Faarax Xersi C/lle ayaa tibaaxay in xildhibaano qaarkood oo uu socodkooda ku batay Muqdisho iyo Nayrobi ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo uu taageerayo gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya kuwaasi oo diyaarninaya qoraal baarlamaani ah oo ku eedeynaya madaxweyne Shariif in uu hareer maray dastuurka si qaldanna uu u adeegsaday awoodda dowlada taasi oo ay sii dheer tahay maamul xumo, masuq-maasuq uu ku jiro .

Waxa ay xildibaanadaas doonayaan in madaxweynaha ridaan si looga hor tago in dib in loo doorto doorashooyinka dhacaya sanadkaan gudahiisa .

Mudane C/lle ayaa intaa ku daray in qorshahaas uu bur burinayo isku xirnaantii haykalka dhismaha dowladda, ayna suura gal tahay in guud ahaan xukuumadda bur burto.

Dhinaca kale warbixinada ayaa xusaya in maalmihii u danbeeyay Magaalada Muqdisho ay ka dhacayaan dagaalo aan waxba la iskula harin labada dhinac ee Ku dagaalamaya Magaalada iyagoo isticmaalaya hubka noocyadiisa kala duwan, kaas oo u gaystay shacabka reer muqdisho barakac, dhaawac iyo dhimasho ..Suuqa wayn ee ganacsiga ee Bakaaraha ayaa ah isha ay inta badan ku dhacaan Madaafiicda Dawladu halkaas oo ay gaystaan Khasaare wax walba leh.