Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Jeneraal Khamiis Ina Qadaafi Ee U Rabeysnaa Xasuuqa Shacabka Liibiya Oo La Dilay

Wednesday - March 23, 2011

Tripuli- Warar ka madax banaan dhinacyada isku haya dalka Liibiya ayaa waxeey sheegayaan inuu Dhaawac u geeyriyooday khamis Qadaffi oo ah Wiil uu dhalay Madaxweeynaha dalka Liibiya Mucamar Al Qadaafi.

Khamis Gadaffi oo 32 jir ahaa ayaa waxaa Diyaarad Milatary oo nuuceeda lagu sheegay SU 24 la soo riday Duuliyihii Diyaarada u waday .. Khamis Gadaffi waxa uu haystay ama madax u ahaa qeeyb ka tirsan Ciidamada Milatry-ga Liibiya qeeybta cirka ee lagu magacaabo Brigade 32 wuxuuna wax ku soo bartay dalka Belarussia oo ka tirsanaan jiray dalka Ruushka.

Khamis Qadafi ayaa waxaa la xaqiijiyey in aysan Diyaaradiisa soo ridin Ciidamada ka socda dalalka xilfiga ah balse uu haligay Pilot-kii isaga diyaarada u waday oo looga shakiyey inuu ahaa dadka sida weyn uga soo hor jeestay joogista Mr Qadaafi.

Dagaalka ay Ciidamada Nato ku qaadeen dalka Liibiya ayaa waxaa ilaa iyo hada ka soo hor jeestay Wadamada kala ah Jarmalka, Turkiga iyo Ruushka halka UN-ka, Jaamacada Carabta , Midawga Yurub iyo dhamaan inta badan dalalka Caalamka ay duulaanka Taageereen.

Mid ka mid ah Diyaaradihii Dagaalka Mareeykanka oo lagu soo riday dalka Liibiya ayaa wararka ka soo baxaya Mareeynkanka iyo Nato wexeey sheegayaan in haba yaratee aanan diyaaradaas la soo ridin balse ay u soo dhacday cilad ka dib markii eey isku dheceen Diyaarad kale oo kuwii iyaga la socday ah wexayna sheegeen in isla markiiba la bad baadiyey Duuliyihii saarnaa."