Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Jeyshkii Yaman Oo Ku Biiray Is Badal-doonka Iyo Cali Cabdalla Oo Xukunka Ka Bakhtiistay Madaxdi Hore

Tuesday - March 22, 2011

Sanca-Wararka aan ka helayno wadanka Yemen gaar ahaan caasimadiisa Sanca ayaa waxa ay sheegayaan in Qaar ka mid ah Saraakiishi taliyaasha qaybaha kala dawan ee ciidamada xooga dalkaas yaman ay ku biireen is bedel doonka ama kacaanka isbadaleed ee raba in dagaal oge qabiil Cali Cabdale saalax uu ka tago xukunka.

Wararka ayaa sidoo kale waxaa intaas ay ku darayaan in Ciidamo wata Taaginyo iyo hubka fudud ay maalmahaan isku fidinayeen barxada weyn ay kacaanka is badal doonku taagan yihiin, iyaga oo sheegay in ay ka ilaalinayaan kacdoonkaas Wixii xoog ah ee fara galineed ee kaga imaanaya taageerayaasha u soo hubeeyey Cali Cabdale Saalax, isla markaana waxay cadeeyeen iney garab taagan yihiin shacabka reer Yemen ee is badalka doonaya .. sida warku xaqiijinaayo waxay ciidamadaas ka gadoodeen kadib markii saraakiil xigta Cali Cabdalla Saalax ay dadkii mudaaharaadayey ka toogteen 56 dhallinyaro, kuna dileen qoriga nishaabtanka iyadoo ujeedadu ahayd in ciidamada iyo shacabka la iska horkeeno, laakiin qorshahaas sida la sheegay Cali Cabdalle waa u ku fashalmay oo wax kheyra kama helin, isagoo mar hore sido kale damcay inu kala dilo Qabaaiilka Yaman oo u qaarkood soo hubeeyey balse iyadana waa u ku ceeboobay, waxayna arimahaa falalka xun u Cali Cabdalla isticmaalay ay keentay in shacabkii Yaman dhamaantiis mid ka noqdo colaada Cali Cabdalla ..sida la xuso Cali Cabdalle waa dab huriye..waa saaxiib mu'aamaraad. Waxaana la sheegaa inu isagu ka dambeeyey dilki iyo qoor-gooyadi madaxdi hore ee dalka Yaman soo martay isagoo ula jeeday inu ragaas xukunka ka bakhtiisto

Dhinaca kale waxaa ilaa iminka iska soo daba dhacaya safiiro badan oo is ka casilay xilalkii dipolpmaasiyeed ay u matali jireen dalka yaman, kuwaaso uu iminka ugu danbeeyay safiirkii Suriya u fadhiyay Yemen, Urdun iyo Iran, oo dhamantood sheegay in ay la safanyihiin Shacabka is badal doonka ah.