Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Qadaafi Oo Wardi Iyo Ashahaado Dugsaday Marku Meel U Ka Galo Waayey Sawaariikh Samada Xiimeysa

Monday - March 21, 2011

Kornelki Qadaafi is xayd-xaydkiisi iyo murankii sheekadiisa ahayd Aniga ama Duufaanta iyo daadihinti beentiisa nac-nacda jahliga doqoneed awgeed, waxay reer galbeed isla garteen in korneylka loo dhiibo dharbaaxyo xanuun badan iyo duulaan horor ah, taaso iminka u ku hafanaayo sawaariikh samada xiimeysa oo meel u ka galo la' yahay ibixiyo ii bixi .. waxayna korneylka xaaladaas ku abuurtay walbahaar xanuun badan leh, lamana garanaayo inu surka soo dhigan-doono iyo inu colka godinta la horistaagi-doono illa u shahaado xaq ah ku dhinto, koleyba waa u yaqiinsaday inu lumiyey waqti aad u haboonaa inu xaalada dalka wax ka qabto oo usan fursad siin duulaanka u maanta ka Cabanaayo.

Hadaba wax is weydin ma xume, dhakafaaraha ufada dhacaysa, dhiiga tifleynaya iyo arimaha korneylkaas ka murugsan si aan wax uga ogaano, waxaa Shabakadaan Galdogob Times goor dhaweyd khadka taleefonka ku wareysatay sarkaal Somaaliyeed, oo arimaha istaraatijiyada amniga khabiir ku ah oo dhiniciisa naga codsaday in qoraalka magaciisa lagu koobo Maxamed oo Kaliya .. Sarkaalkaas oo horay macrifo dheer ay isu lahaayeen Korneyl Qadaafi ayaa wareysigi aan la yeelanay noogu sheegay in korneyl Qadaafi inkasto maanta ay u banaantahay inu dal kale isugu dhiibo magangalyo siyaasadeed, hadana caqliyada iyo dhaqanka miyiga u ku abtirsado marna kama suurtoodo inu is dhiibo oo waxuu door bidaya in geeridu halkiisa ugu timaado, siiba u ku shahiidmo gantaalada isbahaysiga ku soo duulay,si hadhaw xitaa ay shiimbiraha ugu Ooyaan

Sarkaalka ayaa intaa si raaciyey isago su'aal ka jawaabaya oo yiri Korneyl Qadaafi xaaladiisa gudaha iminka meel xun ayey mareysa oo waa adagtahay si uga baxsado sawaariikhda xiimeysa iyo qunbuladaha ay huwnta ku soo weerareen taaso u yiri saameyn bey ku yeelatay noloshiisa iyo muraalka ciidamadiisa dagaalka kula jira mucaaradka oo iska daa iney dagaalamaane ayba saanti dhinacna u rogi-waayeen, iyadoo dhinaca maleeshiyada gadoodsan ay ka heleen huwanta jug sare u qaaday niyadooda 

Dhinaca kale sarkaalku waxuu xusay in duqeynta cirka iyo baacsiga lagu hayo ciidamada Qadaafi aysan huwanta joojin-doonin oo ay ka go'antahay inta birtu kulushahay ay sii budeeyaan illa u ka tago xukunka u isku adkeeynaayo amase ku dhinto

Mar wax laga weydiiyey in Somaalida ay u darsan-doonto Qadaafi, waxuu sheegay ineysan jirin wax u darsasho la yiraahdo aan ka ahayn Madaxweyne Shiikh Shariif oo waayi-doona 500.000$ kaasha bilkasta looga soo raajicin jiray khasnada Qadaafi, inkasto bilihi ugu dambeeyey sida la sheegay u la baxsaday Ninkii lacgtaas kaashka soo qaadi jiray, sido kale isagoo sarkaalkaas ka jawaabaya in ay mudantahay iyo in kale in la taageero Qadaafi, waxuu yiri ereyaduba waa hub oo Qadaafi Afkiisa ayuu isku dilay oo bad hadalo Jah-jahasho aan loo baahneyn iyo gedo-gedayn oo hadba geed cusub la soo baxaya ayuu noqday,iyo ka been-sheegid xaalada iyo dareenka dadka Liibiya, taaso bulshada islaamka ee dacalada caalamka u aragtay korneyl waalan oo dhagax aan weligi bislaaneyn iska karkarinaaya.