Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Suldaanka Beesha Warsangeli Iyo Xubno Weheliya oo Niyad Jab Kala Kulmay Madaxweyne Siilaanyo

Monday - March 21, 2011

Hargeysa:Xigasho Waaheen- Suldaanka guud ee Beesha Warsangeli Suldaan-Siciid Suldaan-C/salaan oo muddo saddex toddobaad ku siman isaga iyo xubno odayaasha beeshiisa ahi safar ku joogeen magaalada Hargeysa ayaa wxay horraantii toddobaadkan dib ugu laabteen magaaladi ay ka soo kicitimeen ee Ceerigaabo.

Suldaankan iyo xubnaha weheliyey ayaa muddadii ay hargeysa ku sugnaayeen waxay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweyne Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo xubno sar-sare oo xukuumaddiisa ka tirsan haseyeeshee kulankaas kadib waxa soo baxay warar tibaaxaya saluug suldaanka iyo xubnihiisu kulankaas ka muujiyeen “Madaxweyne-Siilaanyo iyo xukuumaddiisa waannu is aragnay balse afar nin oo isku reer ah ayaa miiska noo soo fadhiistay oo arrintayadu waxay u muuqatey laba beelood oo kulmay”. Sidaas waxa yiri mid ka mid ah xubnihii suldaankaa kulankaas ku weheliyey oo isagoo Hargeysa jooga telefoonka kula hadlayey saaxiibkiis oo Ceerigaabo ku sugnaa”.

Ilo-wareedyo iyaguna kulankaas xog ogaal u ahaa ayaa sheegay xukuumaddu dhinaceeda si weyn in ay usoo dhowaysey suldaanka iyo xubnihiisa islamarkaasna ka sokow suldaanka sooryo ahaan xubnihii isaga weheliyey oo in badan oo markii hore aan la soconi Hargeysa kaga biireen mid kastaba la siiyey sooryo dhan US$ 4000.

Dhinaca kale maaddaama suldaankani aanu jeclayn inuu saxaafadda la kulmo taasna saxaafaddu aragtiyo kala duwan ka qabto, taasi darteed ma jirto wax war arrintan ku saabsan oo dhinaca suldaankan iyo xubnihiisa kasoo baxay sidoo kalena saxaafadda oo suldaankan axaddii ku booqatay gurigiisa magaalada Ceerigaabo ayuu ka gaabsaday wax wada hadal ama waraysi uu siiyo iyo xataa inuu waqti danbe la kulmi doono intaba isagoo yiri “Imminka hawl baan haystaa oo oday ayaa ila jooga”. Sidoo kalena markii saxaafaddu codsatay waqti inuu u qabtona wuxu yiri “Waynu is arki doonnaa”.

Waxana wararku intaas kusii darayaan saluugga xilligan in ay qayb ka tahay suldaankan oo kulanka madaxweynayaasha dhex mara ay geed ka-go’an u ahayd hal baabuur cusub oo lasiiyo kaasoo xilligan gacantiisa ka maqan.

Sikastaba ha ahaatee saluuggan soo kala dhex galay suldaankan beesha Warsangeli iyo xukuumadda sare ee Somaliland ayaan dhab ahaantii la ogayn halka uu salka ku hayo islamarkaasna aan lasii saadaalin karin saamaynta wada shaqayneed ee isaga iyo xukuumadda Somaliland.

Waxana suldaankani xilligan ku sii jeedaa dhinaca degaannada bariga Sanaag ee fadhigiisu yahay oo waqtigan ay ku sugan yihiin xubno sar-sare oo maammul-goboleedka Puntland ka tirsan oo beryahanba degaannadaas ka wadey hawlaha dar-dar gelinta iyo tayaynta maammulkooda ilaa iyo hadda inta la ogyahayna fuliyey arrimo ay ka mid tahay maammul-degaaneedyo (local councils) ay degaannadaas ka hirgeliyeen.