Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Mucaaradka Yaman Oo Hindisay Sheeko Naar-Afuuf Ah U Keeni-Karta Qaxootiga Somaalida Tacadi Halisa

Saturday - March 19, 2011

Sanca- Wararka ka soo dhex shaac baxaya bulshada reer Yaman ee magalada Sanca ayaa ah mid khatar ku ah nabadgalyada qaxootida soomaalida ku dhaqan dalka Yaman oo lagu xantay in dawlada Yaman ku talo jirto iney si ku meel gaara u askareeyso dhallinyarada qaxootiga Somaalida si looga horgeeyo mudaaharaadyada is daba jooga ee ay wadaan mucaaradka reer Yaman.

Warkaan dacaayada ah ayaa si dhux dhuxa u dhex tibaaxaya meelaha ay ku kulmaan dadka reer Sanca oo ay isaga dhaadhicinayaan qorshaha ay damacsantahay dawlada Cali Cabdala Saalax ee ku wajahan askareynta dhallinyarada Soomaali ee halkaas ku dhaqan, taaso reer Sanca ay ku goodinayaan iney Soomaalida ula dhaqm-doonaan sidi shacabka Liibiya ay yeeleen.

Soomaalida Ku nool Magaalda Sanca iyo Goblada kale ee dalkaas aya la soo daristay cabsi iyo walwal ay ka qabaan in shacabka reer Yaman ay rumeystaan dacaayadaas la filaayo iney soo mal-maloogeen mucaaradka dawlada oo doonaya iney ku beer-laxaawstaan shacabka Yaman.

Sii hayaha xilka safiirka Somaliya u fadhiya magaalada Sanca Mr Mukhtar Maxamed Xasan oo  warramay ayaa dhiniciisa waxa uu beeniyay wararka beryahan dame ay isla dhex marayeen shacabka yaman ee tibaaxayay in dawlada Yemen ay askaraysay caloolooshood u shaqaystaal qaxooti Somali ah kuwaas oo ay dawlada Yemeni u adeegsanayso in ay ku muquuniso banaan baxayaasha ka soo horjeeda madaxweyne Saalax.

Waxaa masuulka Somalida uu sheegay in ay la xiriireen qaxootiga Somalida ee ku sugan xerada qaxootiga Kharaz kuwaas oo u xaqiijiyay in aysan haba yaraatee wararkan aysan waxba ka jirin .. Waxa uu masuulkan u hadlay safaarada Somaliya ee Sanca uu ku xujeeyay dadka ka dameeya dacaayadan in ay la yimaadaan cadaymo muujinaysa arrimahan.

Sidoo kale hay’ada QM u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa waxa ay muujisayay wel welkeeda ku aadan warbaxino ay kooxaha mucaaradka ku ah madaxweyne Saalax ay ka baahiyeen warbaahintooda kuwaas oo sheegay in madaxweyne Saalax uu askaraynayo qaxootiga Somalida ah ee ku nool Yemen.