Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Dhagar Qabihi Dilay Madaxweynihi Hore Ee Masar Anwar Saadaat Oo Lagu Soo Arkay Arlada Sacuudiga

Friday - March 18, 2011

Gabar U dhalay Madaxweynihi hore ee Masar Maxamed Anwar Saadaat oo magaceed la yiraahdo Ruqiya Anwar Saadaat ayaa maalmahaan oo dhan afka labadiisa yeertay iyadoo ka calaacaleysa in gacan ku dhiiglihi dhagar qabe Khaaid Islaambuuli ee aabeehed 1982 nishaabtanka ku dilay ay sanadki 1996 ku soo aragtay hotel ku yaala magaalada Makka Al-Mukarama ee magaciisa la yiraahdo " Ajyaad".

Ruqiyo oo niyad kac iyo hogasho ciil la huruufeysa lana hadleysa wargeysyada Masaarida,waxay tiri walaahay waxaan labadeeyda indhood ku soo arkay Ninkii aabahay dilay oo aan fool ka fool isaga soo hor baxnay, dabadeedna marku ii arkay talaabadi baa ka xumaatay oo aan arkay isagoo darbiyada isku xoq xoqaya hawadana haab haabanaya, waxuuna moodaayey inaan ogahay oo aarsi ugu socdo, halkaaso aniga nafahanteyda ay tiri waxaa ii qabsaday Shook iyo filanwaa oo aan ku sigtay inaan meeshi ku suuxo, waa la yaabanahay ayey tiri indhahayga oo weli wax eegaya oo waxay ahayd naxtinta aan arkay iney iga dhacaan, laakiin ilaah ayaa igu adkeeyey oo igama dhacin.

Ruqiyo Anwar Sadaat iyadoo hadalkeeda si wadata waxay tiri waxaa maskaxdeyda qaadanweysay ninkii aabahay dilay inta la yiri waa la dilay, oo haddana dalka sacuudiga aan ku arkay isagoo xarago la tamshleynaaya,waxaana isla markiiba ii cadaatay ayey tiri; in shirqoolkii aabahai lagu dilay usan ku koobneyn Khaalid Islaambuuli oo qura balse dareenka jira ay shirqolkaas daab ku leeyihiin masuullin sar sare oo aabahay ka abaal dhacday, waxaana muuqata ayey tiri in qoyskayagi iyo shacbkii Masarba La marin-habaabiyey oo la siray, sidaa daraadeedna Ruqiya Anwar waxay codsatay in galkii baarista dilkii aabaheed dib loo furo loona saaro aqoonyahno iyo wadaniyiin si sheekadaan cadaaladu u gasho, xaqiiqada dhabta ahna soo shaac baxdo .. Ruqiya Oo hadlkeeda si wadata waxay qirtay in Aabaheed markii la dilay dukumentigiisi sirta u gaarka ahayd xafiiska laga qaatay oo illa hadda ciida ay gacanta u gashay aan la garaneyn.

Sida la ogyahay dhawaan ciidamada talada haya dalka Masar oo maxaabiis badan u xirneyd xaga siyaasada ayaa cafis lagu soo daayey ,waxaana ka mid ahaa sarkaalki wax ka qorsheeyey dilkii madaxweynihi hore Anwar saadaat oo magaciisa la yiraahdo Cabuud Zumur .. sarkaalkaas oo beer naxa aan ka muuqan, mar wax laga weydiiyey qorshihi dilkaas u ka dajiyey, waxuu cadeeyey in dilkaas Anwar Saadaat lagu fuliyey ay ka darnaan lahayd siriqdi lala damacsanaa in lagu fuliyo goobti xabaasha oo ay ka soo qayb galeen madax badan oo aduunka kana mid ahaa Raiisal wasaarihi israaiil Mr. Manaaxim Beegan Iyo Shaaroon oo ujeedadu ahayd in wixii goobta tacsi u yimi la xasuuqo, laakiin u yiri ma hirgalin nabadgalyada oo la adkeeyey awgeed iyo martidi ka soo qayb gashay xabaasha oo diyaarado goobta lagu geeyey.