Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Cabdullaahi Khalif Xaashi .. Allaha Ha U Naxariisto Janadana Meel San Ha Uga Dooro .. Aamiin Aamiin

Friday - March 18, 2011

Bahda Shabakadaan Galdogob Times waxay ugu horaan Tacsi hawada u marineysa qoyskii, qaraabadi eheledi aan isku tirineynay geeridi ku timi Al-Akh Marxuum Cabdulaahi Khalif Xaashi " carraburo" oo shalay ku geeriyooday magaalada Galkacyo, kadib markii in mudo ahba u halkaas xanuunkiisa ku si cuslaanaayey.

Cabdulaahi isla shalay ayey ahayd in xanuunkiisa si kordhay awgi loo qaado Magaalada Dubai hasa ahaate qadarka rabi awgiis ma noqon oo ajashi alla ayaa u timi, halkaasoo duugtiisa bulshadi gaalkacyo si darajeysan uga soo qayb galeen.

Cabdulaahi Khaliif allaha ha u naxaristo, naxariista duugmadiisa marka laga dareero malgyada loo soo diro dibnihiisa tawxiidaka midki kara ee aan dariiqa ka lumin iyo dawyada siraadka allaha ka dhigo, waxaana duco iyo intaan karno alla daaiimka uga baryeynaa inu janada meel-san uga dooro.

Cabdulaahi allaha ha u naxariiste, waxuu ahaa halyey diran hawraarsan leh, dulqaad iyo wanaag daacdanimo sheegtay oo in badan xuquuqda iyo daryeelka bulshada puntland abid la duubanaa, waxuuna ahaa siyaasi ka soo hawlgalay falkinti Aasaaska iyo dhismihi maamulka Puntland isagoo si gaara qaybo badan ka qaatay xasiloonida iyo samata-bixinta gobolka Mudug.