Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Itoobiya Oo Ku Baaqday Iney Ka Qayb Qaadaneyso Sidi Maleeshiyada Shabaab Looga Saari Lahaa Somaaliya

Friday - March 18, 2011

Xigasho Somaliweyn: Dowlada Ithiopia oo Daboolka ka qaaday sida ay xukuumadood ugu heeelan tahay taageerada militari ee siinayaan Dowlada Somaliyeed ee iminka kujirto dagalo adag oo kala dhaxeeyo kooxda majiraha adag ee Shabaab oo taageero ka helya ururka Cadawda Badan ee Alqaacida

Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha dibada ee dalka Ethiopia Burhaan Jubkiriston oo u waramayay jariirada ka soo baxda dalka Masar ee lagu magacaabo Alyoom ayaa ka hadlay arimo fara badan oo ku saabsan xaalada dalka Somaliya

Burhaan ayaa sheegay in dowlada Ethiopia ay taageero wayn u hayso dowlada dalka Somaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaa uuna sheegay in dowlada itobiya ay ka qayb qaadaneeyso sidii xarakada mujaahidiinta Al Shabaab looga saari lahaa dalka Somaliya, isagoo sheegay in dadka ku nool goobaha ay ka arimiyaan xarakada shabaab  ay ka cararayaan iyagoo u barakacaya goobaha ay ka taliso dowlada KMG Somaliya.

Mar la weediyay suÂ’aal ahayd in dowlada Ethiopia  ay qorsheeyneeyso in ay ciidamo u dirto dalka Somaliya ayuu sheegay wasiirku in aysan jirin hada baahi loo qabo ciidamo itoobiyaan ah oo loo soo diro dalka Somaliya, waxa uuna sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ay ku filanyihiin sidii dalka Somaliya looga bixin lahaa xarakada mujaahidiinta Al Shabaab balse dowlada Itoobiya ay  diyaar tahay hadii midowga Afrika uu ka dalbado taageero Milatari.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD ay wadaan qorshooyin abaabulan oo lagu taageerayo dowlada KMG ah ee dalka Somaliya iyo sidii dalka Somaliya loogu qaban lahaa doorasho xor ah marka la gaaro xiliga kala guurka ah.