Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Sirdoonka FBI-da Mareykanka Oo Ka Didsan Xiriirka Soo Xoogeystay Ee Al-Qaacida Iyo Al-Shabaab

Thursday - March 17, 2011

Newyork: Agaasimaha hay’adda FBI-da Maraykanka Robert Mueller ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin Al-Qacida geeska  Africa iyo tan jazirada Carabta ee xarunteedu tahay dalka Yemen.

Agaasimaha oo u waramay Tv ku yaala wadanka Maraykanka ayaa sheegay inay hayaan khatar Maraykanka kaga soo socota Al-Qacida xiriirka la leh ururada ku sugan wadamada geeska Africa iyo Yemen si gaar ah waxaa uu carabka ugu dhuftay inay jirto halis cad oo danaha reer galbeedka kaga imaan karta Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab oo la sheego inay bah wadaag yihiin Al-Qacida

Waraysiga Robert Mueller waxaa uu ku sheegay  inay muhiim tahay in wadamada ku yaala geeska Africa lagala shaqeeyo sugda amniga iyo ka hor taga weeraro ay Al-Qacida iyo Al-Shabab ka geystaan gobolka.

Mr. Muller ayaa sheegay inay hay’adaha sirdoonka wadamada Kenya iyo Yemen la sameeyeen xiriiro ku sabsan arrimaha Al-Qacida ee gobolka taasoo u sheegay inay aaminsan yihiin inay wax ka tari karto halista weerar Maraykanka kaga yimaada Al-Qacidada Jazirada Carabta iyo Xarakakadda Mujaahidiinta Al-Shabab.

Walaaca Maraykanka uu ka qabo wax loogu yeero Al-Qacidada geeska Africa oo noqotay mid joogto ah ayaa haddana waxaa sii kordhay hanjabaadyada ay Xarakadda Al-Shabab u dirayaan wadamada Soomaaliya xaduudaha la leh amaba ay ciidamadu ka joogaan.