Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Hooyo Dardaarankeedi Fariin Qiimo Badan Gabadheeda U Dirtay Oo Dad Badan La Qiiroodeen

Thursday - January 25, 2018


Hooyo lagu magacaabo Peggy Summers oo markaas saarneyd sariir, kuna jirtay saacadihi dunida ay ka ambabaxeysay, ayaa warqadan u qortay gabadheeda oo 18 jir ah iyo walaalaheed ka hor inta aysan u dhiman cudurka Kansarka nooca Kiliyaha ku dhaca gobolka Indiana ee dalak Mareykanka .. Ereyada ku qorneyd warqadaas oo ka kooban waano ku aadan waxbarasho iyo xiriirka ayaa marki la akhristay taabatay Qalbiyada dad badan oo isticmaala baraha bulshada caalamka dacaladiisa ku nool.

Maama Peggy ayaa qoraalkeedi Warqadan qiirada leh ku bilaabatay sidatan: Gabadheydaai Hannah, haddii aad akhrinaysid warqadan ku ogeysiiyey qalliinki laygu sameeyey ma guulaysan waan ka xumahay, waan isku dayay in aan ka guulaysto cudurkan balse Alle ayaa ii haya wax kale oo aan sameeyo.
Gabadheydiyey " Waa fariin dadka is jecel isu gudbiyaan, U Samir Aabahaa, taasi waxa ay noqon-doontaa mid kugu adag, waxayse u baahnaan-doontaa waqti ."ayay ku tiri warqada.
Hooyo Peggy ayaa sidoo kale gabadheeda u sheegtay: " Qalbiga ayaa qani laga noqdaa, waana furaha karaamada dadka lagu kasbado, oo qof waliba sida takhtar ugu naxariiso una sheeg in aad jeceshahay, Qof wanaag ku galana iska jir inaad illaawdo, Kuna raaxiso noolsha, maalin walibana ku xisaabtam sidii in ay tahay maalin-kaagii ugu dambeeyay sababtoo ah ma jirto cid inaga mid ah oo og in maanta ay tahay maalinkii ugu dambeysay noolashiisa .. gabadheydiiyey nin qiimo badan gabar qiimo badan ayuu raba. ayey ku tiri fariinteedi
Gabadha Hannah ayaa sheegtay in akhrinti warqadani ay ahayd mid aad u adag, waxayna tiri : waxa aan dhamaanteen akhrinay warqadi habeenkii ay hooyo dhimatay ,waxa ayna ahayd fariin dhaxal gal ah qiiro leh oo ay noga tagtay
Kumannaan qof oo ka mid ah dadka isticmaala Aalada baraha bulshada ayaa ku tilmaamay warqadan ay hooyo Peggy uga tagtay gabadheeda mid xikmad ku dheehan tahay.
        --------------------------------------------
Eebow u Naxariiso inti na dhashay dhimasho iyo nolol midka ay ku sugan-yihiinba .. Waalidku waa askunka, Abaabiyaha, ilaaliyaha, iftiinka aqoonta iyo uga dhigaha ubadkiisa nolosha aduunyada ee ay xumaan iyo wanaagaba ku kulmaan.