Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Alaahu Akbar Jidka Hanuunka .. Nin Jarmalka Naziga Ah Muslimka Aad U Nebcaa Oo iLaahay Ku Soo Duway Wadada Islaamka

Wednesday - January 24, 2018


Dunida galbeedka ayaa ku si faafeysa qaadashada islaam-nimada, kuwaaso ay ku badantahay aqoon-yahanada, Madaxada, Faylasuufyada iyo dadka aqoonta sare yeesha oo dhan ayaa si xoog leh ugu soo qulqulaaya islaanimada.
Wargeyska Der Spiegel online oo ka soo baxa cariga jarmalka ayaa cadeeyey in Arur Fagner oo ka mid ahaa xubin xisbiga midigta fog, isla markkaana lagu bartay sida u islaamka uga soo horjeeday markastana u dhalaaceyn jiray.

Ninkan xag jirka ah aya maalin keliya iyadoon laga filayn ku dhawaaqay inu islaamay oo yiri i maqlaay anigu waan islaamay, taaso Aad looga yaabay arinka ninkaan oo dunida galbeedka wareer ku riday islaanimadiisa, waxaana warbaahinta qaarkood ay warkooda cinwaan uga dhigeen "Yaabkii Todobadka, Fanger wuu islamay" 
Artur Fagner wuxuu yiri "Waxaan sameeyey baaris xeel dheer oo aan ogaaday in Quraanku yahay Xaq aan la dafirikarin, anaguna cidla taaganahay oo aan been shubeyno, sidaa darteed waan goostay inaan ka mid noqodo bulshada islaamka Alaahu Akbar Allaahu Akbar.
Arinkan u Artur Fangner ku talaabsaday ayaa muujinaya sida aqoon yahan kasta oo baaris sameeyaa uu Islaam-nimada u qaato.
Waarar kale ayaa la xusaya oo ku saabsan in Majaajiliystaha caanka ah ee Rown Atkinson oo ku magac dheer Mr. Bean uu aqbalay diinta islaamka .. Warkaan ayaa si deg deg ah ugu fidsan caalamka kadib markii la soo galiyey Bar- internet. laakiin warka xaqiiqadiisa weli lagama sugin dhinaca Mr. Bean

Beesha Zulu ayaa iyadana haysa jidkii hanuunka islaamka kadib markii u islaamay Suldaankii Zulu ee Konfurta Afrika .. Waxa layaab ah In Beelaha Zulu iyagoo haystay diinta Kiristaanka hadana ay Muslimiinta iskaga Mid yihiin Dhaqamo badan oo ay kamid tahay Kuwan Hoos Ku Qorani:

-Marka Wax La Cunayo Ragga Hal Saxni Ayaa La Isugu Ridaa, Dumarku-Se Raga Lama Cunaan Ee Gooni Ayay U Cunaan.

-Beelaha Zulu Cuntada waa u dhaqan iney Midigta Ay wax Ku Cunaan.

- Sido kale beesha Zulu Sida Muslimiinta Ayay Xoolaha U Gawracaan.

- Isla markaa beesha Zulu Waxa Ay Dhaqan U Leeyihiin In Ay Guursan Karaan 4 Dumar Ah.

- Zulu Marka Uu Qof Ka Geeriyoodo Waxa Ay U Aasaan Si Lamid Ah Sida Ay Musliintu U Aasto Dadka Ka Dhinta, God Ayay U Qodaan, Dhanka Midig Ayay U Dhigaan, Qibladana Way U Jeediyaan.

Geba-gebadiina waxaa Qaaradda Yurub iyo Mareykanka si weyn ugu soo badanaya dadka soo galaya Diinta Islaamka maalinba maalinta ka dambeysa iyadoo Bilihi la soo dhaafay wargeyska “The Daily Le Figaro” ee ka soo baxa France uu qoray in dad ka badan 50,000-qof ay Diinta Islaamka soo galeen tan iyo wixii ka dambeeyay 1950-kii, waxaana hadda Faransiiska oo dadkiisa lagu qiyaaso 60-Milyan, 10% ay yihiin Islaam, isku cel-celis (6-Milyan), sidoo kale Waddanka Ingiriiska oo isna dadkiisa lagu qiyaaso 60-Milyan ayaa isna Islaamka waxa uu ka yahay 3% (1.8-Milyan), Mareykanka oo isna dadkiisu ay gaareen 300,000,000-Milyan ayaa islaamku waxa uu ka yahay 1.5% ama 5-Milyan.