Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Rag Loo Qabtay Dilkii Loo Geystay Taliyihi Saldhiga Galdogob Gaashaanle Cabdi Xamid Warsame

Wednesday - January 24, 2018


Warka illa iyo hadda ugu dambeeyey ee naga soo gaaray Galdogob ayaa sheegaya in gacanta lagu soo dhigay Askarti sida bareerka uga dambeysay dilka Taliyaha Boliska Galdogob ee maamulka Puntland, dilkaasoo dhcay waqti habeenimo ayaa sida la sheegay muran badan iyo warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan siiba qaabka sarkaalkaas loo wan-jalay, laakiin dadaal baa uun dhinacyada laga haya sidi falkaas sababtiisa looga sal gaari-lahaa.

Dilka Taliyihii Booliska Goldogob gaashaanle Cabdi-Xamiid Warsame ayaa waxa uu si gaar uga dhacay degaanka Buur-saalax, halkaasi oo ay ku toogteen Askar ka tirsan Puntland, lamana garanaayo illa hadda sababta keentay in sarkaalkaas loo geysto falkaas dhimashada keentay.
Xasan Maxamed Khaliif Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa wuxuu sheegay in ragga dilka geystay gacanta lagu soo dhigay sharcigana lagu wareejinayo, isagoo ka codsaday ehelada marxuumka iney is dajiyaan oo durbaan dhiilo la tumin, balse la sugo waxa baarista ka soo baxa.