Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Taabit-kii Malabka Nuugi Jiray Oo Waabaayo Naf Bi'day .. Gudoomiye Tabit Oo Laga Cayriyey Xafiiska iyo Ina Baarqab Oo Bakh Bakh-deeda Garba-saarta Xoortay

Sunday - January 21, 2018


Ciidamada ka hawlgala nabadgalyad amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa wali ay u xiran yihiin Xafiisyadii Dowladda Hoose ee Muqdisho, kadib markii ay saakay si cuduud sheegasho ula wareegeyn.

Wareega Dhismaha Dowladda Hoose ayaa waxaa la wareegay Ciidamo isugu jira Nabad Sugidda iyo Booliska Soomaaliya, kadib markay halkaas ay dabada uga dhaceen maleeshiyaad hubeysan oo xarunta horay ula wareegay, Sidoo kale Ciidankaasi waxaa qayb ka ah Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Guddoomiyahii Gobalka banaadir ee Xilka laga qaaday iyo ku xigeenadiisa oo khabar maafish ahaa ayaa saakay isku dayin in ay tagaan Xarunta Shaqada waase loo diday oo loo raaciyey Sharaab iyo dadkaaga dhinac ka raac yaanad lumine, sidoo kale dhamaan Shaqaalihii Dowladda Hoose ayaa xaadirin Shaqadooda .. Taabit ayaa la warinaaya inu ciil yuurara isu badalay, sido kale taageerayaashiisi  oo ay ka mid ahayd gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Banadir Ina Baarqab ayaa iyadan dhankeeda bakh bakh la timid iyo garbasaar tuur.

Qaar lala hadlay Shaqaalaha ayaa sheegay in sababo amni darteed aysan maanta usoo shaqada tagin, laguna war giliyay in Ciidamo ay la wareegeen Xaruntii Dowladda Hoose. isla markaa
waxaa maanta hawada Ka maqan Idaacad ka hadli jirtay afka maamulka Gobalka Banaadir, waxayna shaqaalaha Idaacadaasi ka mid noqdayn dadka aan saakay soo xaadirin shaqada maadaama Xaruntii ay joogaan Ciidamo la geeyay.