Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Jeebka Ama Jeelka .. Billionairka Ciilka Biirsaday Waliid Bin Talaal Oo Jeelka Weyn Loo Taxaabay Kadib Marku Diiday Inu Dhaqaalihiisa Ku Shubo Jeebka M. Bin Salmaan

Monday - January 15, 2018


War la xigtay oo lagu qanci-karo ayaa daboolka ka qaaday in billionairkii Sacuudiga Waliid bin Talaal oo muddo 69 maalmooda ku qabirnaa hoteelka Ritz carleton, ayaa hadda la sheegaya in isago caato la miiqan Qaracan la qayirmay loo wareejiyey xabsiga Qarmuunka badan ee sida aadka loo ilaaliyo laguna magacaabo Al- Hair Prison maximum- security ah, waxaana warku intaa ku daraya in markii halkaas la geeyey durbaba soo dhaweyntiisi waajib looga dhigay in la marsiiyo xeerarka lagula dhaqmo Maxaabiista jeelka ee halkaa lagu cadaabo .. Maxaabista halkaa lagu haya ayaa u badan kuwa loo haysto dambiyo falal Argagixiso iyo kuwa kale iyagana Daroogada qooshan jiray.

Wargeyska lagu magacaabo Daily Mail ee ka soo baxa cariga ingiriiska ayaa isaga lafahaanteeda sabtidi dhaweyd warkiisa ku sheegtay in Billionairkii Waliid Bin Talaal u diiday lacgti khasabka looga dhigay inu bixiyo isagoo ku andacooday in hantidiisa dalka gudihiisa hadi la rabo lala wareego, laakiinse bu yiri hantidiisa dibada ay suragal ahayen in la wareejiyo ma daama ay ku jirto saamiyo shirkado la wada leeyahay, saas awgeedna Amiir Maxamed Bin Salmaan kuma qancin cududaarkaas, wuxuuna amray in loo wareejiyey xabsiga gaarka ee lagu karantiilo dhurwaayada argagixisada, waxaa kalo la sheegaa inaan la beensan-karin in billionairkaas sida gawda loogu hayo marka dambe gabi ahaantiisba la is dhaafsiiyo  .. waxaan la xaqiijiyey ineysan jirin qof ogsoon tirada maxaabiis halkaas lagu hayo xita ha ahaate kuwa jeelka masuul ka ah, waxaa kalo Dadka xog ogaalka sheegaan in xabsigaas maxaabiista aad loogu jirdilo oo badanaaba ku dhintaan ciqaabta la mariyo.