Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Ciqaabta Shacabka Kongo Haysata Waa Hiilkii Ay Kala Gaabiyeen Halyeygoodi Bartric Lumumba

Sunday - January 14, 2018



Waxan Tusaale wax ku ool ah u soo qaadanaynaa Halyeygii Dalka Kongo Patrice  Lumumba, Halgamaagii weynaa ee u dhaq-dhaqaaqay Xornimada Dadka Dalka Kongo .. Patrice Lumumba ma’ahayn oo kaliya Halyey Congolese ah, balse wuxuu ahaa Halyeey African ah kasoo ka soo hor jeenstay Dulmiga iyo Bahdilka lagu hayay Shacabkii Africanka ahaa ee markaas aan xornimada haysan.

Patrice Lumuba markii loo magacaabay riisal wasaaraha Kongo, waxaa uu aad uga xumaaday kana horyimi 80 Sano oo Dalka Belgium uu Gumaysanayay Kongo isaga oo 80-kaa sano ka dhisay Hal Dugsi Sare oo kaliya, kaas oo ay wax ka baran jireen Caruurta Belguimka ee dhaleen Gumaystayaashii, sidoo kale waxaa uu aad uga gadooday Hantida Dadkii lahaa ka qatan-yihiin ee ay Boobayaan Gumaystaha.

Iskusoo wada Duub, Patrice Lumumba waxaa uu ku guulaystay inuu ka xoreeyo Gumaystihii Dalkiisa xornimana Qaataan 1960, Shacabka Reer Congo waxay cod buuxa ku taageereen Xisbigii MNC oo uu ka mid ahaa Partice Lumumba .. Lumumba waxa uu noqday Raiisal wasaarihi ugu horeeyay Dalka Kongo , balse Cadowgii Reer Congo oo aan quusan ayaa dib usoo rogaal celiyay 12 Asbuuc kaliya mudadi ay xuriyada qaateen, waxaa Dalka la galiyay Qalalaase iyo dagaal sokeeye, waxana iskashanayay Reer Galbeed oo dhan, sida Belgium, France,Maraykan, Britain iyo UN oo qayb weyn ka hayd ilaa hadana u joogta dano Reer Galbeed ee aan u joogin Maslaxad Dadka Reer Congo.

Cadowgaa iskashaday waxaa ay adeegsanayeen kuwo iyagu Diir Madow kongo ka tirsan, oo wax magarato Calooshi u shaqaysta ah, Halka Shacabka Reer Kongo oo dhag weyn ahaa ay kala gaabiyeen Hiilkooda Halyeeygodo Patrice Lumumba waxaa si foolxun loo dilay 17 janaayo1961 isaga oo 35 jir ah.
Kongo mudo dheer oo aad u fog waxa ay la daalaadhacayaan dhibaatadii ay u gaysteen Cadowgii Gumaystaha .. Ciqaabta shacabku marayaana waa Hiilkii ay kala gaabsheen Halyeygoodi Patrice Lumumba.