Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Mooshin Lix Bilood Sidi Seefta La Subkaayey Si Wacan Loo Sifeeyey Ayaa La Doonaya In Farmaajo Kurta La Hordhigo

Wednesday - January 10, 2018


Waxaa War loo qaateen ah u cadeynaya in madaxweyne Maxamed C/laahi Farmajo markaan si culus loogu tashaday in fooda la daro oo xilkiisa far la galiyo, isla markaana meesha gaba ahaantiisa laga saaro

Xildhibaanno badan oo is uruursaday hadba dhinac soo dhigtaba ciiro iyo boor ku gel-gelimestaanba, meel isku qaad-ba muddo sanad dhameyn ayey qorshahoodi mooshinka soo gabagabeeyeen, kadibna waa sida ay sheegeene majaxaabinti Maxamed Farmaajo iyado shax shaxa ah ay meel fiican ku sal dhigatay

Xildhibannada mooshinka wada ayaa kala ah kuwa asal ahaan ka tirsan Damul-jadiid, Aala-sheekh iyo sidoo kale xildhibaanno kale oo Labada dhinac aan ka tirsaneyn,balse xita ay ku jiraan kuwa dhagax guudka Timir xashan iyo malab loogu dhoobay si aysan wax u dareemin

Qaar kamid ah xildhibaannada ayaa cod dheer ku sheegay iney ka go’an tahay iney eryaan Farmaajo, sababtuna waxay ku tilmaameen in madaxweyne Maxamed Farmaajo wixiisaba noqdeen Bac-bacda maqashi iyo dawladiisa Kheyre oo ku Biyo batalaq-saneysa Asraar iyo Been iyo iyado kula dhaqmeysa bulshada waxaan u qalmin.