Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Taariikh Waliba Haraageed Iyo Dhacdo Walba Xasuusteed .. Afar Jeer Oo La Isku Dayey In La Faago Qabriga Rasuulka

Friday - January 5, 2018


Afar jeer oo la isku dayey in la faago qabriga Rasuulka!!
1- Isku daygii 1-aad wuxuu dhacay qiyaastii 400 sano kadib Hirjradii Nabiga Sallallaahu Caleyhi Wasallama, waxaana isku dayey Xaakiim reer Msar ahaa oo la oran jiray Mansuur Bin Nazaar Bin Macad. Ninkaan ayaa ahaa nin lumay oo xumaano badan oo aan lasoo koobi Karin sameeyey.

Ninkaas waxaa qaar ka mid dadkii ku dhawaa kula taliyeen inuu Madiina kasoo raro qabriga Nabiga, islamarkaana geeyo dalka Masar, si markaas Muslimiinta aduunka oo dhan Masar u Aadaan, arrintaasna wey la fiicnaatay Mansuur Bin Nazaar.
Wuxuu diyaariyey dhaqaale xoog leh, wuxuuna magaalada Madiina u diray ciidan uu hogaaminayey nin la oran jiray Abal-fatuux si ay usoo faagaan Qabriga Nabiga una geeyaan dalka Masar.
Markii ciidamadii uu watay Abal-fatuux gaareen hareeraha Madiina ayaa waxaa ka horyimid dadkii magaalada, kuwaasoo go’aansaday iney la dagaallamaan, waxaan Abal-fatuux iyo ciidamadiisii ku sigeteen in la laayo.
Abal-fatuux ayaa markaas kadib go’aansaday inuu arrintaas ka laabto, hase ahaatee markii qoraxdu dhacday ayaa waxaa Alle ku kiciyey dabeyl, waxaana kala yaacay fardihii iyo geelii ay wateen, sidaas ayayna ku fashilantay kooxdii dooneysay iney la baxdo Nabiga ee laga soo diray Masar.

2- Isku dayga 2-aad waxaa sidoo kale sameeyey Xaakimkan reer Masar ahaa ee Mansuur Bin Nazaar Bin Macad, markaan dambe wuxuu diray dad si qarsoodi ah uga soo bixiya Nabiga Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.
Kooxdii uu diray ayaa degay guri deris la ah qabriga Rasuulka Sallallaahu Caleyhi Wasallama, waxeyna bilaabeen iney dhulka hoostiisa qodaan si ay ula baxaan, hase ahaatee waxaa ka horyimid nuur, waxaana dadka Madiina maqleen qeylo dhaan leh “Nabigiina ayaa la faagay”.
Reer Madiina ayaa isku soo baxay waxey sameeyeen baaritaan, waxeyna heleen kooxdii godka qodeysay, halkaas ayayna ku laayeen.

3- Isku dayga 3-aad wuxuu dhacay sanadkii 557 ee Hijriyada, xilligaasoo uu joogay Suldaan Caadil ahaa oo la oran jiray Nuuradiin Zanki.
Suldaankan ayaa 3 jeer ru’yo ku arkay Nabiga Sallallaahi Caleyhi Wasallama, oo ku leh “Iga badbaadi labadaan nin”. Markaas ayaa suldanku huradadii ka toosay, wuxuuna wacay nin wanaagsanaa oo wasiirkiisa ahaa, lana oran jiray Jamaaludiin Al-musili.
Ru’yadii uu 3-da jeer arkay ayuu uga sheegeeyey, markaas ayaa Jamaamuldiin Al-muusili yiri “Fadhi kuuma yaalo ee aad magaalada Madiina Al-munawara, hana ka sheekeyn arrinta aad aragtay”, Suldaan Nuuradiin Zanki iyo wasiir Jamaaludiin ayaa isu raacay Madiina

Markii ay tageen Madiina ayaa iyadoo masjidka ay dad badani joogaan waxaa wasiir Jamaaludiin yiri “Suldaanku wuxuu u yimid Madiina inuu soo siyaarto Nabiga Sallallaahu Caleyhi Wasallama, wuxuuna wada sadaqo ee soo qora dadka u baahan”.
Waxey rabeen iney dadka ka dhex eegaan labadii nin ee lahaa tilmaamihii Nabi Muxamed Sallallaahu Caleyhi Wasallama uu Suldaan Nuuradiin Zanki ru’yada ugu sheegay.

Dhamaan dadkii sadaqada qaadanaya ayay wajiyadooda eegayeen, dadkii sadaqada la siinayey ayaa dhamaaday, mana lagu arkin qof leh tilmaamihii la raadinayey, markaas ayaa reer Madiina la weydiiyey dad kale miyaa harsan?, waxey ku jawaabeen ‘Maya’, markaas ayaa Suldaanka iyo wasiirkiisu ku yiraahdeen “Bal fekera oo fiirsada”,.
Reer Madiina waxey yiraahdeen “Ma jirto cid kale oo hartay oo aan aheyn labo nin oo reer Marooko ah, kuwaasoo aan waxba cid ka qaadan, islamarkaana dadka xajinaya sadaqo siiya”.
Markaas ayaa Nuuradiin Zanki wuxuu yiri labadaas nin ha la ii keeno, markii loo keenay ayuu weydiiyey xagee ka timaadeen?, waxey ku jawaabeen “Marooko ayaan ka nimid, waxaan u nimid xaj, waxaana kadib dooranay inaan deris la noqono goobtaan barakeysan ee uu ku yaallo qabriga Nabiga.

Suldaan Nuuradiin Zanki ayaa ku yiri “Runta ii sheega”, waxey ku adkeysteen warkoodii hore, wuxuuna ku yiri "I tusa gurigiina", waxey geeyeen gurigooda oo ku dhow qabriga Nabiga, wuxuu suldaanku ku wareegay guriga, wuxuuna meel ka qaaday gogol taallay, markaas ayuu arkay god loo qoday jihada qabriga Nabiga, arrintaas ayaan dadkii la argagxeen.

Suldaan Nuuradiin Zanki ayaa markaas nimankii weydiiyey "Runta ii sheega" kadib markii la garaacay, waxeyna sheegeen iney yihiin Kiristaan, uuna soo diray nin gaal ah, kaasoo lacago badan ku siiyey sidii ay u xadi lahaayeen jasadka Nabiga Sallallaahu Caleyhi Wasalllama.

Labadan nin ee nasaaradaha oo markii ay tegayaan Madiina soo raacay dadka ka soo xajiyey galbeedka Carabta ayaa dadka Madiina ku arki jireen cibaado badan oo isugu jirta salaad iyo sadaqo, hase ahaatee dan kale ayay ka lahaayeen, waxaana Suldaan Nuuradiin Zanki amaray in labadooda qoorta lagu dhufto.

4- Isku dayga 4-aad ayaa dhacay waqtigii Amiir Salaaxudiin Al-ayuubi, waxaana suldaan Kiristan ahaa oo la oran jiray Arnad uu heshiis kula galay qaar ka mid ah dadkii deganaa gobolka Siinaa ee dalka Masar inuu magaalada Madiina ka gala dhanka magaalada Cidaab, si uu ula soo baxo jasadka barakeysan ee Nabi Muxamed.
Markaas Salaaxudiin Al-ayuubi oo ku sugaan Maka ayaa arrinta maqlay, wuxuuna aaday halkii uu ka soo socday Arnad, halkaas ayuuna ku dilay, sida uu weriyey dhulmareenka Ibunu Jubeyr Abul-xuseyn. Wuxuuna qisadan ku qoray Socdaalkiisii 578 Hijriya.

Ciidamadan Kiristanka ah oo intii ay u sii socdeen Madiina dilay dad badan, isla markaana boobay hantai badan ayaa la jebiyey iyagoo ku dhow Madiina oo uu uga dhinaa hal maalin socod, waxaana jebintood qayb ka qaatay ciidamo ka yimid Masar.
Intaas oo isku day fashil ayay ku dhmaadeen, Alle ayaana Nabiga Sallallahu Caleyhi Wasallama dadka ka ilaalinaya, ee waxaa la gudboon qolada qorshahaan zamankaan wadata u ka mid yahay Trump ha ogaadaan in qorshahaas horay u fashalmay, hana ku cibrad qaataan kuwi saas u fakaray wixii ku dhacay