Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Ciidamada Burundi Oo Qirtay In Lix Askari Laga Dilay

Friday - Feb 25, 2011

Muqdisho : Ciidamada waddanka Burundi ayaa sheegay in lix ka mid ah ciidamadooda ku jira hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyadoo 12 kale oo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika lagu dhaawacay dagaalkaas.

Dagaal cusub ayaa qarxay markii al-Shabaab ay isku dayday inay dib u qabsadaan meelo ay ka qabsadeen ciidmada Midowga Afrika oo gacan ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya.

Arbacadii ayaa ciidanka Midowga Afrika waxa ay sheegeen inay saldhigyo istaraatiiji ah ka qabsadeen kooxda al-Shabaab .. Dagaallada magaalada Muqdisho ayaa weli waxa ay ka dhacayaan jidka Warshadaha.