Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Somaalidi Xabsiyada Libiya Ku Jirtay Oo Ooda Jabsaday Lana il Daran Gaajo Iyo Darxumo

Friday - Feb 25, 2011

Libiya-Soomaalida ku nool dalka Liibiya ayaa sheegay in ay saameyn ku yeesheen dibadbaxyada ka socda dalkaasi ee looga soo horjeedo madaxweyne Mucammar Al Qadaafi.

Sahra Cabdiraxmaan Ciise oo ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Tiribuli ee dalka Liibiya oo u warrantay Warbaahinta , ayaa sheegtay in qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalkaasi ay soo wajahday dhibaato weyn, oo laga cabsi qabo in dadka qaar ay u dhintaan gaajo, kaddib markii dadka Liibiyaanka ah ay u diideen in ay wax ka iibsadaan dadka madowga ah oo ay Soomaalidu ku jirto.

Sahra ayaa sheegtay in baasaboorro Soomaali ah laga helay waddooyinka magaalada Tiribuli, taasoo dhalisay in looga shakiyo Soomaalidu inay qeyb ka tahay dad Afrikaan ah oo la sheegay in ay yihiin calooshood u shaqeystayaal u dagaallamaya Qadaafi.

Sahra ayaa xaqiijisay in wiil Soomaali ah lagu dhaawacay rabshadahaasi, kaddib markii toorey lagu muday xilli uu doonayay in uu suuqa wax ka soo iibsado. Waxay sheegtay mar ay dooneysay inay biyo u soo iibiso ilmo  yar oo ay dhashay in loo diiday in laga iibiyo, iyadoo ay ciidamadu kula taliyeen dadka Soomaalida ah inaanay guryaha ka soo bixin.

Soomaali ku xirnayd xabsiyada magaalada Banqaasi oo ah meesha uu dibadbaxu ka billowday ayay sheegtay in ay xabsiyada ka baxsadeen, iyadoo ay dibadbaxayaashu gubeen dhammaan saldhigyada iyo xafiisyada dowladda ee magaaladaas.

Dhibaatooyinka haysta dadka Soomaalida ah mar ay ka hadleysay ayaa Sahra waxay sheegtay, inaanay jirin jaaliyad mideysan oo isku xira jaaliyadda Soomaalida, iyadoo danjiraha Soomaaliya ee magaalada Tiriibuli ku dhaliisay inuu dalxiis ugu baxay Imaaraadka markii uu kacdoonku billowday.