Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Qadaafiga Ku Xuurtoobay Haw-Haw Leyn Iyo Shidanaa-Shidan Cali Cabdalla Salaxa Farqiqa U Dhaxeya

Thursday - Feb 24, 2011

Madaxda wadamada Carabta ee ay haysto dhibaatada mudaaharadada lagu doonayo in lagu tuuro ama xukunka lagaga rido waxaa hada ay si ba’an uga socotaa mudaaharaadku wadadma Yemen iyo Liibiya, laakiin waxaa kuu soo baxaya farqi weyni in uu u dhaxeeyo madaxda labada wadan.

Cali Cabdle Saalax waa madaxweynahah Yemani waxa uu ula hadlaya dadka ka soo horjeeda ama ku mudaaharaadyada ee doonayo in uu xukunka ka dego oo si caqli ku jiro uu ku leeyahay kama degayo xukunka,balse kaliya waxa aad igaga qaadi kartaan doorasho waa sida uu hadalka u dhige, waxaa kale oo intaas ka daran isaga oo amray maanta ciidanka amniga ee wadankiisa in ay ilaaliyaan nabadgalyada dadka ku mudaharaadaya .. Cali Cabdalla Saalax ma aha nin isku buuqsan, laakiin ceebtiisu labada dhagood baa dhukay uga buuxsamay.

Halka Mucamar Alqadaafi waa hogaamiyaha Liibiye ee dadka u dhaartey kuna balan qaadey in uu baran-barada ka xaaqayo wadankiisa isaga oo ku baaqey in kacdoon hor leh lagu qaado dadka ka soo horjeeda .. waxaad mooda wadanku marka horeba in aanu lehayn maamul iyo kala danbayn midnaba .. waxaa qaylinaya isaga iyo Inankiisa Sayful Islaami oo kaliya , waxaanay labadoodu u dhaqmayaan sidii laba qof oo caqligooda waxa si ay u dhiman yihiin, hadii aad daawatey Qadaafi habeen hore sidii uu u hadlaayey waxa uu ahaa nin aan caadi ahayn.

Waxaa uu yiraahdaa anigu ma ihi madaxweyne hadii aan ahay mar hore ayaan is casilaadayda idinku hor tuuri lahaa ceeb bay reerahooda u soo jiideen hadii ay reeri leeyihiin qabaa’ilkoodana waa ceebeeyeen hadii ay beelo ka soo jeedaanba haya socda kacdoon kacdoon iyo wax la mid ah ayuu ku hadaaqaa isaga oo marar badana go’ weyn oo uu xran yahay ayuu ku mashquulaa hagaajintiisa.

Koley diktaatoor kastaa maalin ayuu leeyahay oo xukunka lagu tuuri laakiin sidan lama filayn in uu Qadaafi iskugu dhajin doono xukunka ilaa uu ka gaaro heer uu beelo u kala qaybiyo reer Liibiya taasi oo laga yaabo maalmo uun in ay xukunkiisa sii dheerayso

Waxaa iyaduna xusid mudan in wasiiro safiiro iyo dublamaasiyiin badan oo dawladiisa ka tirsan gacanta ka taageen oo ka baxeen isla markaana ugu baaqeen in uu xukunka iska dago waxaa intaas sii dheer wasiirkii Cadaalada ee Liibiya Mustafe Cabdiljaliil waxa oo dhawaan ku dhawaaqeyn in qaraxii diyaaradii lagu dul qarxiyey Tuulada Lookar bay ee ku taala gobolka Scotland ee Britain in u Qadaafi amar keeda lahaa oo uu ku Amrey cabdulbaasid Al maqraaxi in uu fuliyo hawshaas waanan haynaa ayuu yiri dhamaanba wixii cadayn ah ee arintaas looga baahnaa goorteeda ayaanan soo bandhigeynaa ayuu yiri.
Waxaa kale oo uu Mustafe intaas ku darey in laga Yaabo Qadaafi marka uu dad badann laayo ka dib uu isna is dili-doono sidii Hitler waa sida uu hadalka u yiriye