Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Al- Shabaab Oo Ciidamo Gurmad Ah U Soo Diray Dagaalka Xoogan Ee Ka Socda Mogdisha

Thursday - Feb 24, 2011

Xigasho-Xogsheeg: Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maamulada Al-shabaab ee gobolada dalka ayciidamo fara badan oo gurmad ah ku soo daabulayaan magaalada Muqdisho si ay ciidamada Al-shabaab ee Muqdisho uga gacan siiyaan dagaalka ay kula jiraan ciidanka dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM. Magaalooyinka Kismaayo, Jowhar, Marka iyo qeyb kamida gobolada dhexe ee dalka ayey kasoo bexeen ciidamo fara badan oo gurmad u ah Al-shabaab, iyadoona saacadaha soo socda la filayo inay soo gaaraan magaalada Muqdisho si ay ugu biiraan dagaalada.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maamulka Kismaayo uu diyaariyey ciidamo fara badan kuwaas oo maamulku uu labo u kala qeybiyey kuwa u gurmayna shabaabka Muqdisho iyo kuwa u gurmaya shabaabka Baled Xaawo.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay iska difaacaan weerarka uga imaanaya ciidanka dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM, iyadoona dagaalada kasocda magaalada Muqdisho ay sii galayaan marxalad aad u adag.

Gurmadka maamulada Al-shabaab ee Gobolada dalka ay u soo dirayaan dagaalada Muqdisho kasoconaya ayaa ku soo beegmaya xilli Al-shabaab shalay laga qabsaday goobo muhiim ah oo ay horay gacanta ugu hayeen kuwaas oo ay ugu muhiimsan tahay xaruntii hore ee Wasaaradda Gaadhaandhigga wadada Warshadaha Magaalada Muqdisho.