Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Maleeshiyooyin Ka Soo Jeeda Gaalkacyo, Galdogob, Cabud-Waaq Oo Soo Galay Jiida Hore Ee Sool

Wednesday - Feb 23, 2011

Maleeshiyooyin hub aruursaday kuna hadaaqaya yaa dhiiga kiciyey,oo la sheegay iney ka soo jeedaan jiidaha Gaalkacayo, Galdogob- Caabud-Waaq ay ila shalay soo galayeen ayda xuduuda sool si ay difaac dagaal ku joojiyaan weerarka somaliland ka soo qaadeyso jiida Tukaraq, Xudun, Gambara, Awr-bogays, waxaa kalo la cadeeyey in suldaamo iyo meleeshiyaad beesha Absame ee kilinka Shanaad ay leeyihiin maxaa anaga abtirsiinyaha na iloosiiyey iyo odagi ilaahay naga beeray, oo ay iminka miciyaha u lisanayaan sidi ay u qaadi-lahaayeen talaabooyin ku haboon u hiilinta walaalahood isirada ee u dagan in la xasuuqo.

Maleeshiyaadkaas ka kooban beelaha maamul goboleedka Puntland iyo degaamada Caabud-waaq ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo abaabul dagaal oo ku wajahan jiida hore ee Sool ka wada tuulada Tukaraq ee xadka iyo meesha la yiraahdo Higlada, halkaas oo la sheegay in xalay ilaa shalay galab ay maleeshiyo isugu jira beelo daarood isku dhafa ku si qulqulayaan aagagaas

Dhinaca kale Ciidamda maamul goboleedka Puntland oo la sheegay, inay wataan maleeshiyo beeleedyo laga soo ururiyey magaalooyinka degmooyinka Bari, islamarkaana kaashanaya maleeshiyo beeleed ka soo jeeda beesha Sool ayaa la sheegay inay ku soo wajahan yihiin weerar dagaal oo ay ku qaadayaan ciidamada Somaliland ee ku sugan jiida Gambara iyo aagaga kale ee jiidaha gobolka Sool.

Mid ka mid ah meleshiyada reer mudug ee ku sugan jiidda hore ee Tukaraq oo xalay khadka Telefonka lagula xiriiray ayaa xaqiijiyey, inay la socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada maamulka Somaaliland ay ka wadaan Aagagaas xuduudka ku teedsan, hasa ahaate ay ku kalsoonyihin iska caabintooda.

ilo xog-ogaal ah oo laga helay xalay saqdii dhexe magaalada Laascaanood ayaa sheegaya, in gurmad balaaran oo ciidamada Somaliland ka tirsan oo ku gaashaaman gawaarida dagaalku ay isku balaariyeen jiidaha kala duwan ee ku teedsan gobolka Sool sida Boholaha Xargaga iyo Xudun oo ka mid ah deegaanada koonfurta galbeed ee gobolka Sool