Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

War Deg - Dega .. Dagaal aan Waxba la Isula Harin Oo Ka Socda Degaanka Kalshaale

Wednesday - Feb 23, 2011

Wararka ka imanaya jiida hore ee Degaanka kalshaale ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal aan waxba la iskula hadhin uu haatan ka socdo degaanka Hagoogane ee Gobolka Cayn,waxaana dagaalkaasi u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo Jabhada SCC.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaalo culus oo maalmahan degaankaasi ka socday,waxaana la sheegeyaa in dagaalkani yimid ka dib markii ciidamada Somaliland weerar saaka ku soo qadeen farisiimaha ciidamada degaanka Buhoodle ee ku sugnaa Hagoogane.

Dagaalkan waxaa ka horeyey madaafiic saaka Ciidamada Somaliland & kuwa degaanka Buhoodle isku weydaarsadeen Tuulada Maygaagle halkaasi oo ay dhawr madfac isku garaceen balse aan iyana la hubin qasaare uu sababay madaafiicdaasi,inkastoo markii dambe dagaal xoogan oo ka fool ka fool ahi toos uga qarxay degaanka Hagoogane oo masaafo xooga ah u jirta degaanka maygaagle.

Madaafiicda kooxaha dagaalamayaa is-weydaarsanayaan waxaa laga maqlayaa degaano ka fog fog meesha uu dagaalku ka socdo,waxaana dagaaladaasi geysanayaan khasaare lixaad leh maadama kooxaha dagaalamayaa isu adeegsanayaan hub aad u culus.

Wixii warar ah ee kolba ka soo kordha kala soco shabakadan Galdogob Times