Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Midawga Reer Yurub Oo Baaq ka Soo Saaray Colaada Ka Aloosan Degaanka Buuhodle Iyo Laascaanood

Tuesday - Feb 22, 2011

Ayadoo lala kaashanaya Madaxda Ergooyinka Midowga Yurub ee Nairobi ayaa Ergada Midowga yurub waxay soo saraysaa bayaanka soo socda:

Midowga Yurub wuxuu si dareen qota dheer leh ula socdaa iska hor imaadyada colaada ah ee dhawaanaha ka dhacayey agagaaraha Buuhoodle iyo Laas Canood.

Isku dhacyadaasi waxay dhaawacayaan amniga iyo xasiloonidda ka jirta Somaliland iyo Puntland iyadoo ay sii carqaladaynayso nolosha dadka deegaankaasi.

Midowga Yurub wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ku howlahan arrinkan in ay isxakameeyaan si xaalada loo dejiyo, xal nabadeedna loogu raadiyo khilaafka.

Midowga Yurub waxaa ka go’an inuu gacan siiyo dadaalada horumarineed ee dadka Somaliland iyo Puntland, wuxuuna ka walaacsan yahay in isku dhacyadaasi iyo colaadahaas sida kuwa dhawaanta la arkay ay curyaamiyaan dadaaladaas.