Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Mogdisho Oo Weli Dagaaladu Ka Sii Soconayaan

Tuesday - Feb 22, 2011

Muqdisho:Dagaallada Muqdisho oo galay maalintoodii afaraad ayaa maanta si goos goos ah uga socda xaafado ku yaala degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag, halkaasoo maalmihii ugu dambeeyay ay ka socdeen  dagaallo culus oo u dhexeeyay xarakada Al-shabaab iyo dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM.

Saakay dagaalladu way ka qabow yihiin kuwii socday saddexdii maalmood ee tagtay, xaaladduna waxaad moodaa in ay degan tahay inkastoo rasaas goos goos u dhaxcaysa ay jiraan.

Saddexdii maalmood ee tagtay iska horimaadyada u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xarakada Al-shabaab waxay isaga dileen dagaalyanno, sidoo kale waxaa dagaalladooda ku dhintay dad shacab ah.

Dagaaladaa ayaa waxaa daba soconayay madaafiic xoogan oo ay is weydaarsanayeen dhinacyada dagaalamaya, waxaana madaafiicdaasi  sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah.

Dhimashada iyo dhaawaca dagaallada saddexdii maalmood ka dhashay ayaa gaaraya dhimasho 30 ruux iyo dhaawac ku dhawaad 100n qofood, kuwaasoo qaar ka mid ah xaaladdoodu liidato kuwo kalena ay qabaan dhaawacyo fudud   ..  W/D:  Caaqil  Dalmar