Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

War Deg Deg Ah .. Korneyl Qadaafi Oo Baxsaday Markay Milatari Dhaarsani Mortar Ku Asqeeyey

Monday - Feb 21, 2011

War Deg Deg Ah oo Iminka Soo Gaaray Miiska Shabakada Galdogob Times Ayaa xaqiiqsaday in ciidamadi Qadaafi kala yaaceen oo jaaniski korneylka halkaas ku dhamaaday,waxaana la sheegay jiho aan la aqoon inu u baxsaday isagoo kabaha laalaadinaaya .. sida la sheegayna waxaa kala daadashadiisa soo dadajiyey kadib markii generaaladi iyo saraakiishi u isku haleynaayey ay ku sameeyeen daba fur fur, dagal toosana kula soo jeesteen korneyl Qadaafi iyo moryaanti caawineysay Iyo wiilkiisa nacaska dhargi aqoon waayey ee xaalada kacdoon sii huriyey marku warbaahinta ka been sheegay xaalada dhabta ah ee ka taagan dalkiisa.

Beeni raad ma leh baa hore loo yiri wey isa soo gabtay baabacdi, cir isku qarinti, indho adkaanti iyo war-wareegi Qadaafi iyo wiilkiisa laan dheeraa tahay lagu qufulay waa Seef Islaame, waxaana dhacay waxay doonayeen shacbkii reer liibiya.