Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Reer Baxreyn Dhaq-dhaqaaqa Kacdoon Ay Wadaan Ma Guuleysan-doonaa .. Mise Dhagax Bey Tuujinayaan ?

Sunday - Feb 20, 2011

Dalka Bahrain wuxuu Juquraafi ahaan ka kooban yahay 30 jasiiradood oo isku darkooda ku fadhiya dhul baaxadeed dhan 717 kilometer oo wareeg ah,caasimadiisu waa Manama wuxuuna xubin kayahay URURKA dalalka khaliijku ay ku-bahoobeen ee Gulf Cooperation Council.

Nidaamka dowladeed ee dalku waa Boqortooyo. lagasoo bilaabo sanadkii 1783 waxaa dalka ka talinayey qooyska ree Aala-khaliif, waxayna xukunka qabsadeen kadib markii ay Faarisiintii (Iraniyiinta) dalka ka eryeen Sanadkii 1861 waxay Bahrain ku biirtay Boqortooyada Ingirriska waxayna xornimadeeda qaadatay 15 August 1971-kii, Sanadkii 2002 waxaa wax laga badelay nidaamkii siyaasiga ahaa ee dalka waxaana la ogolaaday in dalku uu yeesho laba gole iyo xukumad.

Labada gole ayaa kala ah golaha wakiilada iyo Golaha shuurada oo kiiba 40 xubnood ka kooban. Golaha Shuurada iyo Ra'isulwasaaraha waxaa soo magacaaba boqorka halka Golaha wakiilada ay soo doortaan dadweynuhu .. Marka laga tago labadan Gole waxa kale oo jira Gudiga ku-xigeenada oo iyaguna ka kooban 40 xubnood oo kala ah 18 xubnood oo Shiica ah, 5 Suniyiin ah iyo 17 madaxbanaan.

Dalka waxa Boqor ka ah Sheekh Xamad bin Ciisa Al-khaliif oo geeridii Aabihii 1999-kii kadib xukunka qabtay ..Waxbarashadiisii heer jaamacadeed wuxuu ku soo qaatay Jaamacada Cambridge ee Ingiriiska iyo Machadka ciidamada mileter-ga ee Maraykan-ka ee Fort Leavenworth, Kansas.

Qooyska Boqortooyada ee xukunka haya waa Sunniyiin halka shacabku uu 70% yahay Shiico kuwaas oo inta badan ka cawda xukunka gacanta ugu jira Suniyiinta.

Kacdoonka Bahrain ma guulaysan doonaa?

Marka laga shiidaal-qaato
soo yaalka taariikheed iyo dalalka ku xeeran ee danaha is-waydaarsan ka leh Bahrain, khaasatan danaha Sacuudiga ee Bahrain, marka dhanka kale la qooraansado saaxiibtinimada dhaw ee ka dhaxaysa Maraykanka iyo Qoyska Boqortooyada Bahrain, marka sidoo kale la eego danaha  Maraykanku ku qabo Bahrain, waxa adkaan-doonta in shacabka Shiicada ee reer Bahrain ku guulaystaan kacdoonkooda .. Waa ta koobaade shacabku kacdoonka kuma midaysna ..Tan labaad dalalka dariska la ah Bahrain iyo Maraykanka oo aan ka-dhex-arag danahooda kacdoonka iminka socda ..Ta ugu khatarsan ayaa noqonaysa Iran oo doonaysa in awoodeeda ay ku soo fidiso Bahrain taas oo khal khal gelin karta maslaxada reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka .. Sidaa darteed kacdoonkani ma filaayi in uu heli-doono dhiirigelin iyo taageero ka baxsan tan dalka Iran waloow ay dhici-karto in xoogaa isbadal ka dhaco xaga awood qaybsiga oo aan saameyn ku yeelan-doonin go'aanada u sida gaarka u qaato Boqorka