Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Shacabki Libiya Oo Ciyaarihi Kacdoonka Goolashi Ku Sii Jaraya..Geeri Laga Yaabay Ku Galbiyey Qadaafi

Sunday - Feb 20, 2011

Wararka is dhex jibaaxaya ee ka imaanaya mashaqada iyo balaayada ka socota dalka Libiya ayaa inta badan warbixintooda laga hela dad si gaara ugu xiran maamulka Korneyl Qadaafi oo iyagu si hoose ula shaqeya kacdoonka ka hilaacay dalkaas .. kuwaaso access u leh iney helaan isgaarsin ay kula hadli-karaan eheladooda dibada oo sidaas ayaa xaqiiqada la cufeeyey iyo warka dhabta ah ay ku helaan hogaamiyaasha mucaaradka ee dibada ka haga kacdoonka.

Waxaa la sheegaya dhaa-dhaanki korneyl Qadaafi inu xaga masakaxda ka doorsoomay oo nabadi iyo qodobadi loo soo jeediyeyey qaadan la'yahay .. waxaa la sheegay in xubno saraakiil ka tirsan golihi Tawrada ee saaxibadiis ay ergo ahaan ugu tageen Korneyl Qadaafi oo ay kula taliyeen dulqaad iyo inu xilka ku wareejiyo taliyaha ciidamada General Abubakar Yoonis si dhiiga qubanaya loo joojiyo waase ka dhaga adeegay, oo yiri heeladiina igala taga isagoo shafka u tumay dagaal iyo xasuuq u kaga hortago shacabkaas careysan .. waxaana warku intaa ku daraya in xubnihi saraakiisha u warka ka diiday ay isla goobti isku casileen iyagoo diiday saqiir gawraca iyo falsafada guracan ee u mushkilada kaga hortagaayo, waxayna saraakiishaas cadeeyen in qarankii Liibiya u ku lumaayo is qaaliyeenta korneyl Qadaafi

Waxaa la cadeeyey amaro iyo is xayd-xayd ka soo baxay Korneyl Qadaafi in shacabkii marku xukunka qabsaday darbeyn jiray u maanta ku dalbaday calol-shaqeysato maanka laga qaaday lacag kharash la siiyey awgeed dadki oo aan kala sooc lahayn baas marinaaya, oo halkaas umadi reer libiya lagu halaagay .. guryihi Bengaazi quruxsanaan-jiray hoobiye iyo sawaariikh baa qaaday, dadkiina guryaha hoortooda ayey daadsan-yihiin iyagoo meyd ah oo wax aasaya aysan jirin .. warkase iminka si deg dega igu soo dhacay ayaa tilmaamaya in magaalda boqolkiiba 100%kacdoonkii xoroysteen oo bilaabeen heesihii guusha.

Dhinaca kale shacabki oo gadoodsan ayaa meelo badan ka jabsaday makhaasinadi hubka oo ka helay hub kala duwaan ay isaga caabiyeen maleshiyadi mujrimiinta u soo kireystay korneyl Qadaafi ee shacabka magaalooyinka ku xasuuqay.

Warka ayaa intaa raacinaya in ciidamadi Qadaafi ay xeryihi ku kala qaybsaemeen oo badanaa ay la  soo saf-teen kacdoonka shabaq-yada jaraya .. waxaa ciidamo la gadooday General Cabdi Fataax Yoonis oo hubki ugu badanaa ula galay shacabki gadoodsanaa.

Sido kale korneyl Salemaan iyo 8 sarkaal oo kale ayaa iyagana xeryihii hub iyo ciidan kala baxay oo gurmad hiil u aaday magalada Bengaazi halkaas oo qabiiladooda lagu xasuuqaayo .

Wararka hada ugu dambeeya ayaa tilmaamaya in Korneyl Qadaafi u si qarsoodi ah ugu baxsaday dal aan weli la carbaabin, warkaaso hubsiino kale u sii baahan.