Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Aduun Baa Waramay .. Dhimbil Sir U Tuuray Basaas Ka Mida Sirdoonka British Oo Qiray Inu Ku Jiray Hawlgalkii Lagu Dilay Princess Diana

Friday - June 23, 2017


Nin Agent ka ahaa Mi5 Sir-doonka British Intelligence oo iminka hawlgab-nimo ku jiray (retired) ayaa si cad u ictiraafay inu isagu ka dambeeyey hawlgalkii dilkii Princess Diana, wuxuuna hadalkiisaas ku qiray inu horay u fuliyey 23 dil- assassinations mudadi u dhaxeysay 1973 illa 1999.

Ninkaas oo magaciisa lagu sheegay John Hopkins da'diisu tahay 80 jir, waxuu sheegay inu wax aan ka badneyn todobaad takhaatiirta rugta caafimaadka u sheegeen inu dhimanaayo, sidaa darteedna u sheegaayo inu isagu dilay Amiirada Diana oo sida u xusay ahayd gabar wanaagsan qurux badan laakiin khatar iyo nabadgalyo xumo galisay Carshiga United Kingdom .. Agent John Hopkins wuxuu kalo cadeeyey in wixii u dilay ay iyada kaliya Gabar ka ahayd, iyado amarka lagu khaarijiyey u ahaa mid si toosa uga soo baxay from Royal Family, waxaana dilkeeda qiil looga dhigtay in wax badan wax ka ogtahay sirta boqortooyada oo laga yaabo iney maalin un kashifto ( She knew too many Royal secrets and she was going to go public and my boss told me she had to die) 
Agent Hopkins ayaa warkisi ku soo xiray oo yiri: waan ogahay mar haddi aan dilkii Diyaana kashifay iney iga daba qaadanayaan xabsigana ii taxaabayaan, laakiin ma kala jecli oo waa anigaas maalmo gudahood God madow la igu sii midaaminaayo, isla markaana dhamaan wixii hawshaas ila ogaa intooda badan dunida wey ka socdeen . 

hits Hits : 3535