Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Israail Oo Qiratay Iney Ku Baraarugtay Kacdoonka Masar Sidi Dagaalki Kadiska Ee Oktobar 1973

Saturday - Feb 19, 2011

Dawlada Israail ayaa u aragtay duufaanta kacdoon iyo isbadalka Masar ka dhacay mid murugo iyo kadis ku noqday oo aysan marna filaneyn, taaso ay yiraahdeen ufada kacdoon Masar ka hilaacday waa sidi kadiskii dagaalki Anwar Sadaat Ku soo qaaday ciidamadi Israaiil oo ahayd arin aan la fileyn.

Khubaradi ereyo qor-qorka farshaxanka wax saadaalinta caanka ku ahayd iyo kuwa sir-doonka shanqarta lahayn meelkasta ay marayaan ee israail intaba waxay dawlada israail iyo maxfalada istraatijiyada markasta ku maawelin-jireen aragti u dhigan sidi rajo sheydaan oo oraneysa Madaxweyne Xusni Mubaarak kursigiisa xukunka waa mid sii raagi-doona oo dhaaban cidna aysan dardari-karin amase haweysan karin, balse ay intaa warbixintooda sii raacin jireen dhaxalka dalka Masar ma aha mid gorgortan gali-kara oo waxaa iska leh una diyaarsan ayey yiraahdeen wiilka u dhalay Xusni Mubaarak ee Jamaal .. waxay ku warbixiyeen in Masar majaraha ay haysto iyo halyeyada xabsiyada lagu kuusay iyo boliska aan diirna hambeyneen awgeed, Masar aysan ka soo bixi karin hal door iyo umad wax fulinkarta.

Wargeyska ka soo baxa dalka israail ee afka dheer oo la yiraahdo Haraatez ayaa xusay in dawlada israaiil amse guud ahaan shacbkaas ay sadex arimood ka qoslisay kadisna ku noqotay oo aysan xisaabta marna horay ugu darsan.

-Waa Kowe : Ciidamada Masaarida oo u dhaga nugul shacabka oo si daramaatic ah ula wareegay maamulki dalka

-Waa Labo: La yaab sida aabiga dawlada Mareykanka jawaab amse reaction uga bixisay kacdoonka Masar oo u ilaabeen saaxibki la maciinsan jiray ee madaxweyne Mubaark iyo fursada israail halkaas ku seegtay

-Sadex: Daadihinta beenta sirdoonka iyo siyaasiyiinta israaiil oo ka been sheegay xaalada iyo dareenka dadka Masar oo ay ku tilmaameen in xukunka Xusni Mubaark u yahay mid adag oo aan la holi karin, taaso malahoodi beenoobay oo keentay in shacabkii israail iyo dawla-doodiba iyagoo yaaban labada dhaban qabsadeen.