Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Jabuuti oo kacdoon Ruxay Iyo Madaxweyne Ismaciil Cumar Oo Degmada Carta U Baxsaday

Saturday - Feb 19, 2011

Jabuuti: Xigasho Somalidiasporanews.com- Waxa maanta ruxay Jamhuuriyada Jabuuti dibad baxyo shucuubta Jabuuti ay ku dalbanayaan isbedel siyaasadeed oo in badan ummadaasi u oomaneyd, goob-joogeyaal ayaa ku soo waramaya in maanta isu soo baxyadii dhacay ay tiro dad ahi ay ku geeriyoodeen.

Dibad baxyada oo ay dibada iyo guddahaba ka abaabuleen axsaabta mucaaridka ah ee jabuuti ee UAD,ayaa noqonaya qaar ka tusaale qaadanaya dibadbaxyadii xilalka looga tuuray keligood taliyeyaashii ka talinayay dalalka Tunisiya iyo Masar.

Wadooyinka avenue iyo Nasser ayay Shacabka faraha badan ee maanta ka mudahaaraday buuxdhaafiyeen ka dib kolkey u dulqaadan waayeen caburinta, boobka iyo Mustaqbal la`aanta ku habsatay jiilalka soo koraya.

Shacabka isku soo baxay oo tiradooda ay kor u dhaafeyso 30 kun oo ruux ayaa ku urururay garoonka Xasan Guuleed,halkaa oo ay ka bilaabeen ku dhawaaqida dalabaadkooda ku wejahan isbedel ka dhaca Jamhuuriyada Jabuuti.

“Geelle ha dhaco,ma ogolin mar sadexaaad iyo ixtiraan Dastuurka” ayaa ka mid ahaa ereyada dadku ku dhawaaqayeen.

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale dalbanayay in maxaabiista siyaasadeed in laga sii daayo xabsiga Gabode.

Abaarihii 5pm waxa la jaray isgaarsiinta khaasatan kuwa gacanta lagu qaato ee mucaaridka,muda yar dabadeedna dalka oo idil ayaa laga jaray isgaarsiintii.

Askarta dawlada oo Fagaaraha Xoriyada soo buuxdhaafiyay si ay u kala eryaan shacabka dibad baxayay oo doonayay in ay goobta u hoydaan,dagaalo ayaa dhex maray ciidanka iyo dhalintii goobta joogtey,qaar waa la qabqabtay halka kuwo kalena dhawaacyo ay soo gaareen,dhimashona waa la sheegayaa in dhimasho jirto.

Kolkii gabalku dhacay saacada Jabuutina waxa la maqlayay xabado goos goos ah oo ka dhacaya badi xaafadaha magaaladu ka kooban tahay.

Wararkii ugu danbeeyayna waxa ay sheegayaan in madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo xaaskiisa ay isku aamini waayeen sii joogida guddaha magaalada Jabuuti oo ay u baxsadeen magaalada Carta,halkaa oo uu ciidamo isku gedaamay