Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Jabinta Siraha Qufulan Oo Ka Hadashay: Shirqool Dil Lala Damacsanaa M. Siyaad Oo Si Dirqi Ah Uga Badbaaday

Monday - May 15, 2017


Reer Galbeeed Iyo Reer Bari-ba oo muruqooda daawaday, waxay quus ka istaageen af-celin macangag-nimo iyo madax taaga u markasta la soo taagnaa Maxamed Siyaad Bare, taaso caro ku dhalisay labada dhinacba oo midba gaarkiisa ugu haraaday Qabka iyo is-laweynida Siyaad Bare, taaso keentay iney labada quwadood Moskow iyo washinton laabta ku hayaan sidi xukunka looga faramaroojjn lahaa, iyado durbaba KGB-di Ruushka waqtgaas iyo sanadkii 1972 ay Maxamed Siyaad u malegeen shirqol afgambi milatari oo si iljabis ah la qorsheyeen jeneral salaad Gabeyre, laakiin shirqol-kaas waxuu noqday mid fashil ku dhamaaday oo ugu dambeyn lagu qisaasay Jeneraalkaas iyo sido kale Laba sarkaal ka mida KGB Ruushka oo wada hadal diplomasi (diplomacy) kadib dalka laga musaafuriyey.

Dhinaca Mareykanka oo Maxamed Siyaad u arkeysay inu khatar ku yahay danaheeda Afrika, waxay markasta baadi-goob ugu jirtay in Siyaad Bare meesha ka saarto, waxaase ku adkaatay halka ay u mari-lahayd ka takhaluskiisa, oo waxaa u muuqatay in inqilaab lagu dayo aysan suuuragal ahayen, maxaa yeelay waxay ogaayeen in saraakiisha ciidamada ee hogaamisa Ururada iyo cutubyada guutooyinka milatari ay intooda badan daacad u yihiin, awaamirta hawlgalka toosna ugu xiran-yihiin madxtooyada. 

CIA-da Mareykanka waxay muddo tarisaanba hadba dhinac soo dhigtaan-ba waxay ugu dambeyen go'aan ku gaareen iney Odaga maraqiisa la cabsiiyo ( la sumeeyo), sidaa daraadeed, waxay target amase yool ka dhigteen saraakiisha ilma qansax qurac la ah Siyaad Bare oo iyaga aan tuhun looga qabin wax-yeeleyntiisa  

Ugu dambeyn baadi goob iyo xuuraan kadib, waxay cariga mareykanka ka heleen mid ka mida saraakiishi tababaradda milatari halkaas u joogay oo inta badan waqtigiisa u foof taga balwada dumarka, islamrkaana lacag u oomanaa iyo khamri u daruuraha kaga caweeyo, waxayna la kulan iyo wada-xaajood isla meel dhigeen inu sarkaalkaas fuliyo qorshaha la doonaayo in looga majaxaabiyo Siyaad Bare, iyagoo u ballan qaaday 300.000 Dollar oo loo bixinaayo raato-raato. hormaris la siiyay labaatan kun u rag kale ku soo dabo .. sarkaalkas oo heshiis lala galay waxaa u saxiixay in haddu arintaa kashifo isagga, xaaskiisa iyo caruurtiisa la dili-doono, waxayna u soo jeediyeen in xaaskiisa Viso dal ku gal ameeriko la siyo, hasa-ahaate si mar-marsiiyo ah waxuu codsaday ma daama xaaska ay rabto iney barato cilmiga diinta islaamka loo siiyo Viso Dalka Sacuudiga. waana ka aqbaleen.

Sarkaalkii oo la soo siiyey casharo la xariira hawlgal-kiisa iyo qalab uu adeegsado ay ka mid yihiin isgaarsiin toos ugu xiran dayax-gacmeeeka CIA-da, waxaa kalo gudaha dalka somaliya loogu diyaariyey kabsul ay ku jiraan budo sunta wax disha si gaara cuntada loo raaciyo. 

Sarkaalka oo naftiisa biimo galiyey, wax aanu ka warqabin ciribtooda dambe ku dhaqaajiyey goor galaba ka soo degay garoonka mogdisho, wuxuu isla habeenkii iska xaadiriyey madxtooyada oo is arkeen Maxamed Siyaad, hallkaaso isago ciiro iyo boor qaraabo-nimo ku gelgelimeystay salaan iyo warbixin ku siiyey tababarkiisi milatari iyo guud ahaan siyaasada mareyknka ku aadan somaliya waxa laga filan-karo .. sarkaalka oo ku gabanaaya is-yeelyeelka difaaciisa nidaamka jira waxuu mararka qaarkood access u lahaa galista madaxtooyada xiliyada u baahdo.

Sarkaalkii, oo kolba socodka iyo dhaq-dhaqaaqiisa si u badalaayey, wuxuu muddo hawshi is la wadeen CIA-di oo haddana dhawr jeer oo kala duwan codsigiisa awgii lacag loo soo diray, hasa-ahaate waxaa si lama filaan ah uga kashfmay shirqolkii sunta uu kar-karinaayey,waxaana ka ciideeyey sarkaal u khiyaamadaas ku qarsaday .. kadib Maxamed Siyaad oo warkaas loo keenay aad uga xumaaday ayuu kadib sarkaalkii si toosa ugu yeeray kuna sameeyey wareysi kor iyo hoos illa u sarkaalkii afka juqda gabay, naxdin la miyir-gadoomay, oo markii dambe marku ogaaday inu bohol ku dhacay sidi fool-kaanka si fitir faatir ah fadeexadi shirqolka ka feyday maradi .. laakiin natiijadi wuxuu sarkaalki sheeko hore iyo haatan heshiis suul iyo saxiix kula galay madaxweynaha inu hawsha halkeedi ka sii wado oo si laba wajiila ah ku shaqeeyo (Re-doubled agent), iyadoo saraakiisha maxaxtooyada amniga si gaara loogu ballamiyey fiiro gaara u yeeshaan dhaq-dhaqaaqa sarkaalkaas .. ugu dambeyn iyo xaalko sidaas yahay ayaa qamti somaliya dhacday.
                                                                     [email protected]

 

hits Hits : 4357