Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Baaqa Bulshada Somali: Kab Iyo Xaarkeed Waa La Isla Tuura .. R/W Kheyre Iyo Golihiisa Waa In La Isla Tuura

Thursday - March 23, 2017


Maalmahaan Shacabka Somali gudo iyo dacal meel kasta oo ay joogaan, oo horay jaceyl-koodi Farmaajo ooda soo jabiyey, waxay hadda si wacan ugu soo baraarugeen kitaabka yar u hoosta kala soo baxay iyo hawsha tubta qaloocan oo ka socota madaxtooyada, waxay hal mar la yaabeen sida ay isu buriyeen baaqii Farmaajo iyo seef la boodka ka fiirsasho la'aant leh u ku magacaabay Raiisal wasaare Kheyre, waxaase shacabka mar kale hagoogtay, qoomamo ku si noqotay markii la soo hurgufay banaanka soo dhigay buundaad wasiiro lagu furay madaxtooyada siddi turubka la isku dhex daadshay tiro ku dhawaad 70 oo intooda badan horay loo ogaa kuna yimid food ku doon iyo yaaney beel heblaayo laga tagin. mise habar u faalisay baa ku tiri sidaas wax isugu shaandhe , wasiradaaso bulshada rabin ugu muuqday kuwa aan rajo ka soo socon, taasoo ay bulshadi ka tiri: Markii hore-ba aniga Ooyaayey bay iminkana Riyi igu sii joogsatay.

Run ahaanti shacabku waqtigi buun-buuniska, waxay Farmaajo u haysteen Kun Nin oo la isku soo kabay, oo kama ay filayen dhoohanaan iyo ncasnimo foorarta, balse waxay filayeen in u Taayirada iyo Batarigi biyuhu ka dhamaadeen ka badalo baabuurkii u xilkiisa la wareegay ee u darawalka ka ahaan jiray Xasan Shiikh oo kuwa cusub bulshada ka gadmaaya tijaabiyo, laakiin sida muuqata hindhisadi Farmaajo bulshadi waxaa wada gaaray hargab, wuxuuu gacanta ku soo qaatay ficilo maxsuulkeeda cidna saadaalin-karin oo si weyn maanta uga hor yimid iyo sababo u laftiisa ku bixi-karo .. Xaaladu waxay la mid tahay: Sahankii beenta sheegay ee abaarta u guuray.

Cala Kuli Xaal iyo dardaaran, koley farmaajow faraha la gashay oo hawl ku bilaabatay, hana is oran sax baad tahay haddi inta goor-goor tahay aan sidaan la isu dhaamin indhaha si wacan loo kala qaadin oo Caano qubtay-ba gadaalkood la qabtaa, isla markaa yaa hadal kugu daalin waxaa dardaaranku yahay inaad la socoto dulqaadka ummada oo waa in yar aan ka badneyn sanad inta lagu eegaayo, wixii ka dambeeya waa wxii aad la soo baxdo ee ha lagaa arko mudadaas wax bulshada raali galiya .. arintaan nin Ragi dardaaran bey u tahay doqonise waa mooge.