Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Waagi Soo Beryaba Waayo Leh .. Farmaajo Miya La Shirqolaya .. San-saanta Waasiirada Soo Socda

Thursday - March 16, 2017


Mogdisho- Warar wadwad-kooda beryahaan isa soo taraya oo qaarkood is khilaafsan ayaa hadana si gaara wax looga soo tabinaya xaga iyo xarunta villa Somaliya, wararkaaso intooda badan ay ku sheegayaan in ku dhawaaqidi golaha wasiirada waxay hadba geed soo harastaba ay mareyso gabagabo oo qiyaas ahaan ay dhici-karto in bishaan labaatan-keeda la yeeriyo, hasa ahaate sida dad badani oo booqasho kuurgal ku tagay madaxtooyada ayaa warbixin-toodi hor dhac uga dhigay maah-maahdaan: Nin Baa laga hayaa soorta lay soo wado ee aan cuni-doono san-saankeeda ayaan ka garta sidey u egtahay ..  odoros-kooda ayey ku sheegen in karis xun ay ka socoto xulka wasiirada, balse ay dhici-karto in shicibka murugo ku reebto, taaso ay sabab ugu dhigayaan in taladi xulka wasiirada la tashigoodi qoorta loo galiyey kuwo hadda gows-dambedkii caqliga soo baxay habowna ah lagu tilmaamay iney yihiin guuf maran, oo baab allaale baab ay garanayaan ama laga sugaayaa aanay jirin iyo wax ay micney-nayaan toona .. waxaa la yiri: Ari jire inta ay taqaano Orgi baa u weyn .. kooxddaas talada loo dhiibtay amase bulshada somali xilka ka doonaaya inta ay yaqaanin waxaa u shisheeya xiliyadii Jeneral Caydiid, Cali Mahdi iyo Cabdullaahi Yuusuf, oo xitaa raiisal wasaaraha laftiisa ayaan lahayn waayo-aragnimo iyo dhaqan durugsan midna, oo dawladnimadaba wuxuu u haysta baasto iyo quraac la duubaayo.

Waa sida ay sheegeene, Waxaa la yaab ah kooxahaas la tilmaamay iney weliba isa soo dhigaan badka iyago ku faanaya iney ninka kursiga dalka u sareya ay boqolaal muftaax u hayaan iyagu u yihiin kuwa Mapka u dajiya, kuwaaso badankooda ah kuwa horay loo ogaa, laakiin hadda sida ay u muuqdaan aad moodo iney isku soo rakibeen mashiin cusub oo ay ku khaldaan Maxamed Farmaajo

Dhinaca kale waxaa inta badan wararkaas la soo raacinaya in madaxweyne Farmaajo ay durbaba galiyeen xero dhinac walba ka oodan sey maalmo u haystaan madaxtooyada, taaso keentay inu kooxdaas si khasab ah ugu faruur xirmay, oo wax kasta iyaga keliya weydiiyo, waxayna ka ilaaliyeen in cid kale u timaado ama dhegta wax ugu sheegto ..  kooxahaas oo ah hanfadayaal aan run sheegin , ahna xulufeysi is biirsaday kolba si ay u soo galaan madaxtooyada ka soo daata xayndaabka villada dhinac kasta ka soo galaya, isla markaana hadba wajiyaal isu badala oo ula yimaada madaxweynaha xarig ay gees ka soo gunteen, iyagoo isla markaana madaxweynaha dhagaha uga shuba hadalo hadoof ah sida " Wax walba sidi loogu tala galay ayey ku socdaan" oo waxay ku shaqeeyaan mala-awaal iyo been la qurxiyo, taaso keentay in Farmaajo la daaliyo waqtina laga lumiyo, isla markaana dad muhim ah oo bulshada ka mida iyo isagu ay is arki-waayaan.

Warka ayaa intaa raacinaaya in inqilaabka go'doon u beryahaan ku haftay Farmaajo ma aha mid u weli dareemay, maxaa yeelay markey qaniinaaba sidi jiirka ayey afuufayaan .. waana afduub qorsheysan oo dhinacyo badan laga soo abaabulay .. Runta mid wax daaweysa ha noqoto, oo Arintaan haddey jirtana waa hawl u taal madaxweynaha iyo farsamadi u casaabadaas isaga fogeyn lahaa inteysan jar uga talaabsan amase inta salida iyo biyaha isku darmin, waayo kooxahaas casaabada haddi hooy la oran waayo awooda viillada ayey hantinayaan, dabadeed shacabka iyo maxamed Farmaajo waa kal go'ayaan .. hadusan warkaas jirina qof ku digay kuma dilin oo waa dardaaran inaan hadhow la oran: ka daro dibi dhal iyo shaleyti Baqtigi Aan Cunay biyo Zam-sam baan kaga luq-luqday, sidaa darteed Af ku sef-layaasha isku-daygooda inqilaab laga fiijignaado oo laga hor joogsado faragalin ay ku sameeyaan go'aanada madaxtooyada.