Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Shaqo Joojintii Takhaatiirta Kenya Oo La Soo Af-jaray

Wednesday - March 15, 2017


Nairobi- Dhakhaatiirta dalka Kenya ayaa ogolaaday in ay soo afjaraan shaqo joojin curyaamisay hannaanka caafiamad ee dalkaasi, taasi oo socotay muddo 100 maalmood ah

Saraakiisha ururka Takhaatiirta Kenya ayaa heshiis kula saxiixday dowladda caasimadda Nairobi.
Takhaatiirta ayaa dalbanayay in 150% mushaaraadka loo kordhiyo.
Waxa ay sheegeen in dowladda ay horey heshiis ula gashay oo ay ogolaatay in ay mushaaraadka u kordhiso, basle ilaa iyo haatan ma cadda waxa lagu heshiiyay.
Ku dhawaad 2,500 oo ka mid ah xarumaha caafimaadka ee dalkaasi ayaa waxaa saameyn ku yeeshay shaqo joojinta takhaatiirta.
Muddadii ay shaqo joojinta socotay ayaa waxaa sida la sheegay dawo iyo daryeel la’aan u dhintay tiro bukaan ah oo ku sugnaa cusbitaalada ay dowladda maamusho.