Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Nin Lo' Dhaqato Ah Oo Khaati Ka Taagan Dadka Lo'da Caabuda Kadib Markii Ay U Dhalatay Weyl Yar Oo Lix Lugood Lihi

Friday - March 10, 2017


Nin u dhashay waddanka Hindiya oo beeralay ah sidoo kalena Lo’ dhaqato ah ayaa waxa uu khaati ka taagan yahay dadka Lo’da caabuda ee dalkaasi Hindiya ku nool oo doonaya in ay ka iibsadaan neef yar oo weyl ah oo ku soo dhalatay iyada oo Lix ligood leh taasi oo dhawaan warbaahinta Hindiya si weyn wax uga qortay arrinkeeda waxaanu ninkaasi khaati ka taagan yahay dadkaasi Lo’ caabudka ah oo maalqabeeno ka mid ahi doonayaan in ay wayshaasi ku iibsadaan lacago badan iyaga oo u arka neef Mucjiso ah oo barakaysan oo ay doonayaan in ay ka barakaystaan.
Ninkan Lo’ dhaqatada ah oo lagu magacaabo Abhinav Abrol oo 34 jir ah ayaa argagax ka muujiyey kooxda booqashada ugu imanaysa wayshiisa Lixda lugood leh ee dhawaan u dhalatey. Weyshaasi ayaa caafimaadkeedu taam yahay wallow lugo dheeraad ah ey leedahay oo ay ku soo dhalatay. Wayshan yar ayaa leh laba lugood oo saa’id ah oo afarteeda lugood ka dheeraad ah kuwaasi oo ay dhinaca ku leedahay taasi oo keentay in dadka Lo’da caabuda ee dalka Hindiya ay u arkaan neefkaasi waysha ah in ay tahay mid Mucjiso weyn qadata sida ay aaminsan yihiin waxaanay qaarkood doonayaan in ay iibsadaan oo ay ka barakaystaan.
Dadka ku dhaqan deegaanka uu ninkani ku nool yahay ayaa aaminsan neefka lo’da inuu diimahooda la xadhiidho oo ay caabudaan. Nin kamid ah qolada caabuda Lo’da ayaa ninkan beeraleyda ah u soo bandhigey lacag dhan 200,000 oo lacagta Hindiya ah oo u dhiganta ku dhawaad £2,400 oo Giniada Ingiriiska ah, ahna lacago ku dhaw Saddex Kun iyo Dheeraad.
Laakiinse Mr Abrol oo kasoo jeeda gobolka Ludhiana ee Punjab, India ayaa diidey inuu ku badasho wax adduun ah isagoo ku tilmaamay neefkiisu inuu ka qaalisan yahay lacag kasta oo ay ku baayacaan waanu diiday isaga oo sheegay in aannu lacagtaasi ku iibinayn neefkiisa waysha ah oo uu sheegay in uu doonayo in ay u Taranto oo ay xoolo badan u dhasho si ubadkiisa iyo qoyskiisu u manaafacaadsadaan oo aanu doonayn in uu iibiyo wakhtigan isaga oo sheegay in ay uga lacag badnaan doonto marka ay u Taranto. Nin deriskiisa ah ayaa warbaahinta usheegey in Abrol loo bandhigey lacag gaareyso 200,000 Rupees laakiinse mulkiilaha weysha ayaa iska diidey isaga oo sheegay in neefkan waysha ah uu ka dhaxlay aabihii marnabana aanu iibinayn. Wayshan yar aya noqotey mid caan ah oo dadka meela fog uga soo daawasho tagaan iyaga oo daawanaya lugaheeda Lixda ah ee ay leedahay.
Dalka Hindiya waxa ku nool Malaayiin qof oo Lo’da caabuda kuwaasi oo ka barakaysta aadna u jecel in ay dhaqdaan kuwaasi oo ah dad cawaan ah oo aad ay ugu dheer tahay Lo’du.
Xigasho: Indian Times