Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Fadeexad - Heshiiskii Saldhiga Milatari Oo Wada Saxiixay Madaxweyne Xasan Shiikh Iyo Madaxweyne Siilaanyo Iyo Farmaajo Oo Laga Codsaday Inu Ixtiraamo Heshiskaas

Thursday - March 9, 2017


Xigasho Qaran News-Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md.Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa madaxweynaha iyo raysal wasaaradaha dawladda dalka Faderaalka ee Somaliya ka codsaday in ay tix-geliyaan heshiiska Saldhiga Milatari ee dawladda Imaaraadku ka sameysanayso dekadda Madaarka Berbera, waxaana uu tilmaamay isla mar ahaantaana uu dib u xasuusiyey in heshiiskaasi uu ahaa mid ay hore u soo wada-galeen Madaxweynahii hore ee dawladda Somaliya iyo weli-ba Madaxweynaha dawladda Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyada Md.Maxamuud Xaashi, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu hadal ka jeedinaayey xaflad ballaaran oo loo qabtay Jaaliyadda Dubey, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in loo baahan yahay in labada wadan ay isu ixtiraamaan wixii mashaariic horumarineed ah ee ay galayaan.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa halkaas u ka hadlaayey si cad u baryey misna codsi u dirsaday dawladda Somaliya iyo mas’uuliyiinteeda iyado ay jirto xili ay Baarlamaanka Fedderaalka ka dhex socdo Mooshin ka dhan ah heshiiska Milatari ee dawladda Imaaraadka.