Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Waraabow Maalin Wacan ..Tagitaanka Mareykan U Doora-weyne Trump Mamnuucay Oo Ugu Dambeyn Maxkamada Rafcaanka Laashay

Friday - Feb 10, 2017


Maxkamadda racfaanka ee dalka Mareykanka ayaa diiday in ay ogolaaato isku daygii madaxweyne Donald Trump ee ahaa in uu soo celiyo amarkii uu dadka todobo dal oo Muslimiin ah kaga mamnuucay in ay u safraan dalka Maraykanka.
Maxkamadda racfaanku waxay sheegtay in aysan hor istaagaynin go’aankii ay maxkamadda hoose ku joojisay amarka madaxweynaha.
Trump isagoo xanaaqsan oo buuftaamaya arrintaas ka jawaabaya Twitterka ku soo qoray in ammaankii qaranku uu halis ku jiro uusanna sidaa uga hari-doonin oo uu sharciga adeegsan doono.
Codaynta maxkamadda oo si qarsoodi ah u dhacday ayaa lagu sheegay in dawladdu aysan cadayn u keenin halista argagixiso ee ay xayiraadda socdaalka ku banaysatay.
Go’aanka maxkamadda ayaa lagu sheegay in aan wax caddayn ah loo haynin in qof ajnabi ah oo dalalkaas ka soo jeeda uu fal argagixiso ka fuliyay gudaha Maraykanka.
Maxkamaddu waxaa kale oo ay diiday doodii ahayd in madaxwaynuhu uu kaligii xaq u leeyahay in uu dajiyo siyaasadaha socdaalka.