Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Waa Beryey Sacab Laguma Qariyo .. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Oo U Baxay Kursigi Madaxtooyada Ee Villa Somaliya

Wednesday - Feb 8, 2017


Waxaa goordhaw xaruntii afisyoone ee ka socotay doorashadi tartanka madaxweynaha ku soo idlaatay natiijadi doorashada ee madaxweynaha Somaliya, waxaana halkaas lagu doortay Musharax Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib markii u tanaasulay Xasan Shiikh wareegi sadexaad.
Xasan Shiikh ayaa goobti doorashada ka jeediyey khudbad gaaban oo u ku muujiyey qaaraha ku dhacay iyo qaabka wax u dhaceen uu raali ka yahay isla markaana u hambalyeeyey madaxweynaha cusub Maxamed Farmaajo.

Maxamed Farmaajo ayaa doorashadi cod ahaan ku guuleystay tiro dhan 184 cod halka u Xasan Shiikh helay cod gaaraya 97 iyadoo Shiikh Sahrifna u helay 46 cod .. waxaa meelkasta ee Somaalida dunida kaga nooshahay ka dhacay mashxarado, durbaan-tumid, dabaaldag iyo fantasiyo lagu taageeraayo madaxweynaha cusub ee loo doortay somaliya .. dadka ayaa sida ay wadooyinka ugu dabaal-dagayaan ka rajo qaba iney ka soo kabtaan daryeel la'aanti iyo waqtigi dheeraa ay dayaca ku jireen iyo xuquuq-doodi boholaha lagula dhacay iyo maamul dhinac loo raaco la garan-waayey