Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

ila Qosol .. ila Qosol

Sunday - Feb 5, 2017


Qoys uu u jogo Nin waalan ayaa maalin maalmaha ka mida guriga looga tagay isaga iyo walaashiis ka weyn .. Walaashiis ayaa u baxday iney soo gadato cabitaan, xiligaaso lagu dhawaa salaadi cisho .. inti ay maqneyd waxaa gurigi u soo daba maray Tuug .. Tuugi wuxuu arkay inu guriga joogo nin weyn waana cabsaday, laakiin markuu tuugi sii baxayey ayuu arkay Tv yar oo meel yaala waana si qaatay, balse markii u dhaqaaqay oo laamiga si galayo ayaa waxaa arkay ninkii waalana in Tv-goodi la sii wato, dabadeed Tuugi ayuu cayrsaday oo in muddo ah ka hari-waayey .. Tuugi marku arkay in ninkii cayrsanaayey u ka hari-waayey ayuu inta istaagay ninkii cayrsanaayey ku yiri: War nin-yahow iga hari-weydaye ee iga hoow TV-gaaga, laakiin Ninkii waalana ayaa tuugi ku yiri: war nin-yahow waxaan kaga daba ordahayey waxaad soo ilaawday Rimuutkii lagu daarayey TV-ga.