Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Xaakim Is Hortaagay Amarkii Trump U Ku Soo Rogay 7 Dal Oo Muslim Ah

Saturday - Feb 4, 2017


Xaakim ka tirsan federaalka Maraykanka ayaa si ku-meel-gaar ah u hor istaagay xannibaaddii uu Madaxweyne Trump ku soo rogay dhoofayaasha 7 dal oo Muslim ah.

Xaakimka, James Robart, oo jooga Seattle ayaa gaashaanka ku dhiftay is hortaagid ka timid qareenno u doodayey xukuumadda, isagoo sheegay in xayiraadaha si degdeg ah loo qaadi karo, ayadoo dhanka kalena kiiska xagga sharciga la dhagaysanayo.
Xukuumadda ayaa la filayaa inay racfaan degdeg ah ka qaadato xukunka, kaasoo caqabad weyn ku noqday maamulka Trump.
Maamulayaasha Maraykanka ayaa sheegaya in tobanaan kun oo Visa dib loola laabtay tan iyo markii madaxweyne Trump uu saxiixay amar madaxweyne oo xaddidaya socdaalka muddo todobaad laga joogo.